WAJAALE NEWS

Wasiir Ku-xigeenkii Hore Ee Amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor Oo Maanta Xabsiga Laga Sii Daayay

Hargeysa (Wajaalenews) – Xukuumadda Somaliland ayaa xorriyadiisii dib ugu soo celisay Wasiir Ku Xigeenkii Hore Amniga Md. Cabdilaahi Abokor oo in ka badan Todoba bilood xabsiga ku jiray waxaana ay ahayd dabayaaqadii biishii May ee sanadkii tegay markii ay ciidamada RRU-du gurigiisa ugu daateen xili habeenimo ah oo ay xabsiga dhigeen.

Cabdilaahi Abokor ayaa ku eedaysnaa in uu wax ka sheegay xubno ay ku wada jireen Golaha Wasiirada iyo xukuumadda uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hogaaminayo, taas oo markii dambe lagu riday xukun xadhig ah.

Ehelada Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor oo aanu la xidhiidhnay ayaa Xaqiijiyay Siideynta masuulkan

 

Exit mobile version