WAJAALE NEWS

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Oo Cambaareeyay Hadalkii ka soo yeedhay Wasiir Ku xigeenkii hore ee Amniga.

suldaan-xuseenHargaysa(Wajaale News):- Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah salaadiinta reer Somaliland, ayaa xukuumadda Somaliland ku bogaadiyay talaabada ay ka qaaday Wasiir Ku xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor oo uu ku eedeeyay inuu sawir fool xun ka bixiyay xaaladda dalka isla markaana uu xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ku sheegay inay xubno ka yihiin urruro diimeedyo.

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi waxa uu cambaareeyay in Wasiir Ku xigeenkaasi hore uu gurigiisa ku haysto rag hubaysan oo rayid ah taasi oo ah tallaabo fool xun.

“Runtii Waxaan aaminsan nahay in si cadaaladi ku jiro sharciga dalka loo horgeeyo Wasiir Ku xigeenka hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor oo dhawaan xilka laga qaaday uu

maalmo ka dib markii uu xilka tiriyay afka gacanta iska geliyay oo uu sheegay in Wasiirro  ka tirsan xukuumadda Somaliland ay ka tirsan yihiin ururo argagixiso, isagoo ahaa Wasiir Ku xigeenkii amniga oo aan sheegin intii uu xilka hayay. Dhawaaqiisa waxa qaatay codowga Somaliland waxaanu ku tallaabsaday  fal uu ku shaki gelinayo xidhiidhka Somaliland la leedahay beesha caalamka ee aynu aqoonsiga ka sugayno,”ayuu yidhi Suldaan Xuseen oo maanta u warramayay qaar ka mid ah warbaahinta.

Suldaanku waxa  kale oo uu Wasiir Ku xigeenkaas hore ku eedeeyay inuu rag hubaysan guriga dhigtay, waxaanu yidhi “Haddii lagu soo dacweeyo waa laga dow baxaa, ninka Wasiir ahaa ee sharciga garanayaa inuu dad qoryo u dhiibo oo uu yidhaahdo waa la isoo weerarayaa ee I difaaca oo uu dadkii rayidka ahaa iyo ciidankoodii iska horkeeno waan ka xumahay waanan cambaareynayaa aragti ahaan.”

Suldaanku waxa  uu intaas ku daray in Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed  Waran-cadde iyo Taliyaha ciidanka Boolisku ay yihiin labada masuul oo shaqadooda ka soo dhalaalay oo hadh iyo habeen u taagan sugida nabad-gelyadda, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska waan ku hambalyaynayaa siday shaqada xasaasiga ah ee ay bulshadda u hayaan ugu dedaalayaan. Waxaanan shacbiga ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan oo ay gacan siiyaan ciidammadda ammaanka ee dalka ee hadh iyo habeen-ba heeganka ugu jira sugida nabad-gelyada wadanka.”

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version