WAJAALE NEWS

Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Oo Dalka Ku Soo Laabtay Iyo Hadal Haynta Hanfiga KULMYE.

“Maxaa Ka Jira Inuu Jaal La Noqday Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.”

Hargaysa(Wajaalenews) –Wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale, iyo saxiibki Wasiirkii hore ee Warshadaha Abiib Diiriye Nuur, ayaa dalka dib ugu soo laabtay Jimcihii. Labadan Masuul oo muddo waddanka debadiisa ku maqnaa, wuxuu imaanshahoodu ku soo beegmay xilli dalka laga dareemaayo Kulaylka Hanfiga KULMIYE ee ka dhashay hirdanka Xisbiga.

Cabdi Casiis Maxamed Samaale iyo Abiib Diiriye Nuur oo lagu tilmaamo siyaasiyiin tageero buuran ku leh Gobolada Hargaysa, Gabilay, iyo guud ahaan somaliland waxa hadal hayn badani ka dhalatay imaanshahooda xiligan. Geesta kale Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo kamid aha shakhsiyaadka la filaayay inay ka dhex tartamaan Xisbiga KULMIYE haddii Madaxweyne Silaanyo ka tanaasulo, ayaa hadda siyaasad cusub oo taas ka duwan la soo guryo noqday.

Warar hoose oo ku dhaw dhaw Mud. Cabdicasiis Samaale oo uu helay Wargayska Somalilandtoday, ayaa sheegaaya inuu siyaasigani la jaal noqday Wasiirka arrimaha Debadda Maxamed Biixi Yoonis, oo isna kamid ah xubnaha la hubo inay tartan la gali doonaan Guddoomiyaha Xisbiga. Mar aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino xaqiijinta wararkas Mud. Cabdicasiis Maxamed Samaale noomay suurto galin, waxaase siweyn looga qaada dhigaayay guud ahaan goobaha siyaasadda lagu falan qeeyo.

Dhanka kale wasiirkii hore maaliyada ayaa la sheegay in uu bilaabay shirar hoose oo uu la yeelanayo siyaasiyiinta xisbiga kulmiye iyo xubno kamida golaha dhexe ee xisbiga

Exit mobile version