WAJAALE NEWS

Dhagaysiga dacwadii Wasiir-ku-xigeenkii hore ammniga oo meel xasaasiya maraysa iyo cadaymo uu isku difaacay oo mugdi galiyay xubno xukumada ka mid ah

HARGEISA(Wajaalenews); Wasiir-ku-xigeenki hore ee amniga Somaliland Cabdlaahi Abokor, ayaa doraad maxkamada la horkeenay taas oo ay dhagaysigeeda ka qayb galeen eheladiisii, kadib markay Xukuumaddu ku oogtay inuu ku kacay falal lid ku ah qaranimada Somaliland oo uu u xidhnaa.

haddaba, dhagaysiga dacwadda u dhexaysa labada qareen ee u kala doodayey eedaysanaha iyo Xukuumadda, ayaa sharci yaqaanadii u doodayey Cabdillaahi Abokor ay si adag u difaaceen in dhinaca kale soo bandhigo caddaymo an sax ahay oo la xidhiidha eeda xukuumada u doodaya sharciyaqaano kuwaasi oo si adag u difaacay soo bandhiga haystay oo ku saabsan in xubno ka mid ah Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland ay ku jiraan kooxaha xagjirka ah.

Haddaba, Cabdilaahi Abokor ayaa doodiisa uu isku difaacayo waxa uu sheegay in aanay jirin eeda ah in uu qaranka Somaliland ku sheegay Argagixiso, balse kaliya uu isagu sheegay in xubno Xukumadda ka mid ah xidhiidh la leeyihiin kooxo xagjira, sidoo kale waxa uu ku dooday in aanu marnaba odhan waxa Somaliland jooga xubno Al-shabaab ah, laakiin uu sheegay kooxo aanu u naqaanay gunti-gaab oo wadaado ah ku jiraan Xukuumadda, waxaanu sheegay wixii aan ku hadlay ama lagu xidhay aanay ahayn wax uu meel ku qoray ee uu ahaa wax maqal iyo muuqaal ah oo meel walba laga helayo. Waxaana lagu soo hor bandhigay maxkamada horteedii oo lagu wada daawaday, waraysi uu maalintaa bixiyay oo daawasho ah dhinaca Cabdilaahi Abokor oo is difaacay ayaa wuxuu soo bandhigay emailo cadynaya xidhiidhka ka dhaxeeya cida u eeda u jeediyey iyo kooxaha xagjirka ah oo la soo daabacay.

si kastaba ha ahaatee, wararka aanu ka helay dhagaysiga dacwada Wasiir-ku-xigeenkii hore ayaa tibaaxaya in soo bandhiga dhagaysiyo cadaynaya wasiiro xukuumada ku jira oo ay hadalo toos ah dhexmarayo kooxaha xagjirka ah iyo farriimo qoraalla oo ay isku waydaarsadeen baraha internetka (email). Wasiirada uu soo bandhigay ee xidhiidhku ka dhexeeyeen kooxaha wadaadada ah oo aan wali si rasmiya loo baahin magacyadooda ayaa sii xoojisay xubno Wasiiro ah oo marka horeba bulshada Somaliland ku muransanaayeen. Waxa kale oo uu ku dooday in iyada oo wax waarana loo soo jarin weerar gurigiisa lagu soo qaaday, waxaanu cadeeyay in loogu talagalay in lagu khaarajiyo waayo ayuu yidhi markii askari afka duuban ugu galay qolkii uu ku jiray; “Aniga oo aan wax huba gacanta ku sidan ayuu igu riday xabad, lakiin nasiib wanaag waxa iga duway Illaahay waxaanay ku dhacday madaxayga halkii ku beegnayd taasaana cadaynaysa in la rabay in la i khaarajiyo” ayuu hadalkiisii ku soo gebogebeeyey.

Dhagaysiga dacwadaas, ayaa iyada oo aan wax go’aan kama dambaysa ah la gaadhin mar kale loo balamay in halkaas laga sii amba-qaadi doono dhagaysigeeda.

xubnaha uu soo bandhigay hadaladooda ee xukuumada kamida ayaan insoo bandhidoonaa magacyadooda doodan daada xigta

Exit mobile version