WAJAALE NEWS

New Generation oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi Iyadoo ku Maamuustey Adeegyada Sharci Ee Uu Bulshada U Hayo.

Hargeysa(Wajaalenews)-Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi  oo ka mida garyaqaanada ugu Firfircoon,ee ka howlgala Adeegyada Bulshada ee dhinaca Garsoorka,si daacad ahna ugu adeega bulshada reer Somaliland, ayaa Jaamacada New Generation Ku Gudoonsiisay kuna maamuustey   shahaado sharaf lagu siiyo adeegyada sharci e uu bulshada u hayo.

Shahaado sharaftan Lagu Maamuusey Garyaqaan Maxamed Maxmuud Xaashi(Timo), ee uu ku mutaystay hufnaanta,daacadnimada, aqoonta iyo kartida shaqo e uu ugu adeego bulshada u baahan adeega sharci,iyadoo Munaasibadan lagu gudoonsiiyay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Jaamacada  New Generation  oo dhawaan ay ka qalin jabiyeen  arday dhamaysatay   kuliyadaha kala duwan ee jaamacada waxa uu garyaqaanku nasiib u helay inuu kamid ahaa Ardeydaasi ka qalin

jabiyay mar afraad kuliyada Sharciga,iyadoo Jaamacadu, sigaar ah u gudoonsiisay Shahaadadan Garyaqaan (Timo), una rajeeyeen in kor u qaado dedaalka iyo rajada fiican ee u hayo Bulshada si uu talaabo uga sii qaado halka uu taagan yahay, iyagoo sigaar ah u xusey in ay ilaahay uga baryayaan in uu masuul sare ka noqon doono Hay,adaha Garsoorka Dalka laamahooda Sare.

Jaamacada New Generation oo kamid ah Jaamacadaha dalka Somaliland, ee ay wax ka bartaan Hay,adaha Shaqaalaha dalka iyo dhalinyarada aqoonyahanka ahi, waxa ay noqoneysaa Jaamacada  kaliya e kulmisay wadamada geeska Africa  xarunteeda u waynina tahay  dalka Itoobiya ee aynu dariska nahay ayaa waxa wax ka barta dhalinyaro aqoonyahan ah oo ka shaqeeya dhinaca garsoorka, iyo Warbaahinta iyo meelo kale oo badan.

Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo), oo mudo dheerka ka  shaqaynayey  qareenimo  kana mida qareenada sida aadka ah uga howlgala   Maxkamadaha  Somaliland ee  bulshada ugu adeega sharciga,kana shaqeeya kiisaska nadiifka ah ee aan madmadowgu kujirin, islamarkaana ah shakhsiyaadka faro kutiriska ah ee aakhiradooda u tudha ayaa, isagu sigaar ah uga mahad celiyay Shahaadadn la gudoonsiiyay waxaanu ku bogaadiyay Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacada New Generation dhiirigalinta ay sida gaarka ah ugu maamuuseen.

 

Exit mobile version