Hargeysa (Wajaalenews) Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor ayaa ka waramay waayihiisii nololeed ee intii uu xabsiga ku jiray waxaana uu sidoo kale ka waramay sharciga iyo cadaalada dalka oo uu sheegay inay marayaan halkii ugu hoosaysay waxaana uu sheegay in intii uu xabsiga ku jiray qoray buug “waxa jira bug aan qoray intii aan xabsiga ku jiray oo ka kooban Afar boqol iyo dhawr iyo toban bog oo aan soo bandhigi doono wakhtigiisa” ayuu yidhi
Cabdilaahi Abokor waxa uu daaha ka rogay xubno awood lasoo kacaya oo uu sheegay in taladii dalka ay ka fara maroorsadeen madaxweynaha islamrkaana waxa uu Cabdilaahi Abokor soo jeediyay in loo baahan yahay in laga qabto xubnahaas oo uu ku sheegay (Damu-jadiid) dalka “Waa inaynu ku dhiirano inaynu ka qabano Raga (Damu-jadiid) Ee Xukuumaddeena ku jira…ma doonayno inaynu dib u galno dagaaladii todobaatanadii ka jiray bariga Africa
http://youtu.be/xI3VE0qqAhc