Hargaysa (W,N) HALKAN KA AKHRI ;Wasiirku Xigeenka wasaarada Arimaha Gudaha ee Gobolada iyo degmooyinka Jaamac Biin Ayaa soo saaray qoraal uu kusii adkaynayo wareegtadii ay wasaarada arimaha guduhu ku joojisay caleemo saarka madaxdhaqameedka.
Wasiirkuxigeenka Arimaha gudaha jaamac biin oo ah Masuulka kaliya ee xiligan kala socod siiya hawlaha shaqo ee Wasaarad arimaha gudaha ayaa wareegto uu kusii adkeeyay go,aankii wasaaradu ku joojisay caleemo saarka madaxdhaqameedka taasi oo ujeedadeedu tahay in aan la ogalayn cid danbe oo laga daba caleemo saaro suldaan guud ee beesha cabdiraxmaan sacad oo dhawaan lagu caleemo saaray magaalada hargaysa,
Qoraalkan kasoo baxay xafiiska wasiirku xigeenka ayaa lagu socod siiyay gudoomiyaha gobolka maroodi jeex qoraalkan oo ay dulucdiisu tahay in xukuumadu suldanka beesha abdiraxaamn sacad u aqoonsan tahay suldaankii dhawaan la caleemo saaray oo isagu dhaxal kuyimid xukuumaduna aanay ogalayn in cid danbe aan caleemo saari karin
Sidoo kalena qoraalkan ayaa badhasaabka gobolka maroodi jeex lagu farayaa in uu sidaa la socodsiiyo hudheelada iyo goobaha kale cidii ku kacdana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan
Halkan ka akhri nuxurka qoraalkan oo qayb kamida ay heshay shabakada wararka ee wajaalenews;