WAJAALE NEWS

Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Amniga Oo Maxkamad La Horkeenay Iyo Jawigii Fadhiga Dacwada

HARGEISA(Wajaalenews);Cabdilaahi Abokor Cismaan oo ahaa wasiir ku xigeenkii horfe ee Amniga Somaliland ayaa shalay markii labaad la korkeenay Maxkamad.

Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa Bishii May ka dhawaajiyay in Golaha Wasiirada ee xukuumadda talada haysa ay ku jiraan ashkaas xidhiidh la leh Urur-diimeedyo uu ka mid yahay kooxda xagjirka loo aqoonsanyahay ee Alshabaab, isagoo xubnaha uu eeddaas u xambaariyay ku tilmaamay cida maamulaysa shirqoolka xisbiga Kulmiye oo xukuumadu ka soo baxday lagu bur-burinayo.

Waxaanay sheegista eeddaas ku noqotay cirka dab kaa raac ama fari togdheerbay kula xushaa, iyadoo Maalmo kooban kaddib xabsiga loo taxaabay isaga iyo afar ka mid ah qoyskiisa oo guriga laga soo qabtay ku sugnaa, kuwaasoo isku dayay inay ciidanka gaarka u tababar ee RRU-da ka difaacaan oo rasaas ay is dhaafsadeen, balse gacanta lagu dhigay.

Masuulkan hore Xukuumadda Siilaanyo uga tirsanaa ee xabsiga ku jiray dhowrkii bilood ee u dambeeyay ayaa shalay markii labaad la horkeenay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex,halkaasoo ay si rasmiya uga bilaabantay shalay dhegeysiga Kiiska lagu oogayaa.

Waxa siday markii Maxkamadda la keenay saddex gaadhi oo midkood nooca Maxaabiista lagu qaado ee qulan oo Dhayne ah uu yahay, labada kalena waxay ahaayeen Xaajiyadaha dheereeya ee RRU-da oo siday kolanyo ciidan ah oo aad u foojigan.

Dad kooban ayaa loo ogolaaday inay dhegeystayaal ka noqdaan dacwada oo furantay shalay markii ugu horaysay, kaddib markii todobaadkii hore fadhigeedii u horeeyay baaqday.

Siyaasiga Axmed Xasan Cali (Like) oo ka mid ahaa dadkii ka qayb-galay dhegeysiga Kiiskan ayaa ka waramay sidii ay dacwadu ku bilaabantay, waxaanu sheegay in la dhegeystay Markhaatiyeyaal lid ku ah oo ay saraakiil ciidan ku jiraan. “Walaalo maanta waxay ahayd maantii labaad oo waatii maalintii hore baaqatay markaa waxay maxkamadu ahayd meel ciidan oo meeshaba waxa haystay askar milatari ah oo maalintii hore qudheeda waxa la keenay oo yimi saraakiil iyo janaraalo sita darajadoodi oo ka markhaati furay maxkamadda” ayuu sheegay Axmed-like.

Siyaasigan oo sharaxaad dheeraad ah ka sii bixiyay siday dacwadu ku soo gabagabowday iyo rejada laga sugi karo, waxaanu hoosta ka xariiqay in dacwadaas laga maamulayo aqalka madaxtooyada, go’aan kasta oo lagu soo gabagabeeyana uu noqon doono mid laga soo jaangooyay xafiiska qaranka laga maamulo. “Askar uu sarkaalkoodu leeyahay sidaa iyo sidaa dheh oo taliyayashoodi ku xeeranyihiin hasa ahaatee waxa maxkamdda fadhiyey oo hogaaminaayey nin xaakin ah oo runtii ah qof aad u wanaagsan Looyar fiicanna waanu haysanay oo daacad ah,laakiinse meeshu waa maxkamad ciidan oo kolay Amarkeeda,qorshaheeda iyo balaynkeedu iska diyaar sanyahay waana wax iska cad oo loogu tala galay in la yeedhiyo uun markaa wax rajo ahi kama muuqdo,sababtoo ah waxa laga xukumayaa oo laga maamulayaa waa meesha dalka laga xukumo markaa waanu iskaga quusanaynaa oo meeshaanu tag tagaynaa” ayuu u sheegay Mr. Like Dhaymoolenews.

Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa laga doonayaa inuu Maxkamadda ka caddeeyo eeddeymaha qarada wayn ee uu xukuumadda Siilaanyo u jeediyay, siiba waxa cadddeyntooda laga doonayaa wasiirrada uu farta ku goday ee argagixisada ka tirsan, taasoo ah arrin ay aad u culustahay caddeynteeda iyo aqbalaada kuwa lagu caddeeyaaba.

Waxa la xidhan oo eed ahaan dambiga loo haysto ay ku kala duwanyihiin shan nin oo ay ehelo yihiin, kuwaasoo uu ku jiro Walaalkii oo ay dhawaan Ciidanka bilaysku qabteen iyagoo hubaysan.

 

WAJAALENEWS DESK

Exit mobile version