WAJAALE NEWS

Ciidamo Ka Tirsan Jabhada ONLF oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Jig Jiga

Jigjiga (WJN)- Waxaa maanta magalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya laga dejiyay Ciidamadii Jabhadda ONLF oo gaadhaya ku dhawaad 300 oo askari,kuwaas oo kasoo ambabaxay Magalada Asmara ee Caasimadda Ereteriya.

Ciidamaas oo ah kuwa aan hubaysnayn ayaa waxaa Asmara ka qaaday Diyaarad ay leedahay shirkadda Itoabiya Airlines,waxaana ay ka dejisay Garoon ku yaalla Magalada Jigjiga.

Ciidamadaan ayaa saldhig ku lahaa Asmara xiliyadii dagaalka ku la jireen ciidamada Itoobiya ee xukumadihii dowlada hadda jirta ka horreeyey.

Boqolaal ka mid ah Shacabka Magalada Jigjiga ayaa Ciidamaas kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garad Wiilwaal ee Magalada Jigjiga.

https://youtu.be/z1kisdTAYDs

Exit mobile version