HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa Hadhimo Sharafeed ku maamusay Mujaahidiintii Ururkii S.N.M, kuwaasoo ahaa ragii dhiiga u shubay Qarannimada iyo xornimada Jamhuuriyadda Somaliland.
Munaasibadan qado sharafta ah ayaa kulmisay shaqsiyaad magac iyo maamuus ku leh Dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ahaa ragii hoggaaminayey Halgankii Dalka lagaga xorreeyey keligii Taliyihii Maxamed Siyaad Barre.
Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ah shaqsiyaadka ku suntan halgankii, kana mid ahaa afartii sarkaal ee ugu horreeyey ee halganka u banbaxay ayaa maamuusay Muwaahidiintii S.N.M, oo rag iyo habloba leh, kuwaasoo ay maanta qadadani Kulmisay.