WAJAALE NEWS

Maamulka Dugsiga Sare Ee Cigaal Oo Hambalyo Udiray Ardayda Dugsiga Oo Guul Taakhiiriya Kasoo Hoyyay Natiijada Imtixaankii Shahaadiga Ah Ee Dalka!

GABILEY(W,N)-Maamulka iyo macalimiinta dugsiga sare ee cigaal secondry ee magaalada gabiley ayaa hambalyo udiray ardayda dugsiga iyo waalidiintooda oo guul taariikhiya kuna baasay darajo sare halka aanay jirin cid ka dhacday ardaydii fasalada afraad ee ufadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah.

Hadaba Maamulaha Guud ee Dusgiyada Cigaal Cabdiwahaab Jaamac Cumar oo sharaxaad ka bixiyay guusha ay soo hoyeen ardayda dugsiga sare ee cigaal ayaa sheegay in 96% ardaydu ay ku bixeen Darajada A Iyo B taasi oo ka dhigay in dugsiga cigaal sanadkan uguuray Grade A. Halka uu sanadkii kal hore ka ahaa B.

Dhanka kale Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa,uud Axmed Faarax ayaa maanta markii ay ku dhawaaqayeen natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee dalka sheegay in gabiley ugu saraysay dalka celcelis ahaa Darajada ay ardaydu keeneen Dhibcaha taasi oo ka markhaati kacaysa guusha Uu Gaadhay Dugsiga sare ee Cigaal.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version