|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Oo Munaasibad Hadhimo Sharafeed ah Usameeyay Qaarkamid ah Mujaahidiintii S.N.M!
May 26, 2024 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa Hadhimo Sharafeed ku maamusay Mujaahidiintii Ururkii S.N.M, kuwaasoo ahaa ragii dhiiga u shubay Qarannimada iyo xornimada Jamhuuriyadda Somaliland.
Munaasibadan qado sharafta ah ayaa kulmisay shaqsiyaad magac iyo maamuus ku leh Dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ahaa ragii hoggaaminayey Halgankii Dalka lagaga xorreeyey keligii Taliyihii Maxamed Siyaad Barre. Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ah shaqsiyaadka ku suntan halgankii, kana mid ahaa afartii sarkaal ee ugu horreeyey ee halganka u banbaxay ayaa maamuusay Muwaahidiintii S.N.M, oo rag iyo habloba leh, kuwaasoo ay maanta qadadani Kulmisay.
Related posts:Guddoomiye Golaha Wakiilada oo Cisbitalka ku Booqday Xildhibaan Xasan Cawaale oo Ujiifa Dhaawac ay S... DAAWO; “Kulankani Waa Kii Labaad Ee Aan Layeesho Beesha, Waxaanan Idiinku Yeedhay In Aad Igu Taagee... Khilaafka Dhex Qarxay Wasiirka Arimaha Dibada Iyo Agaasimaha Wasaarada Oo Sobobay In Wasiir Kayd Sha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|