|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiye Golaha Wakiilada oo Cisbitalka ku Booqday Xildhibaan Xasan Cawaale oo Ujiifa Dhaawac ay Soo Gaadhsiiyeen Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu.
July 3, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews):-Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), ayaa Cisbitalka Gargaar ee magaalada Hargeysa ku soo booqday xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo shalay ay ciidamada ilaalada Madaxtooyadu soo gaadhsiiyeen dhaawac aad u xooggan. Guddoomiye Cirro oo booqashadiisan ay ku wehelinayeen xubno ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa xildhibaanka Illaahay uga baryey in uu siiyo caafimaad sareecan ah isaga oo sida oo kalena sheegay in xildhibaanku uu leeyahay xasaanad buuxda oo uu mudan yahay in la ilaaliyo, loona baahan yahay in sharciga la mariyo ciddii dhibtan u gaysatay. Dhanka kale xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo isna guddoomiyaha hadalo kooban ku yidhi, ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey booqashadan uu ugu yimid, waxaana uu guddoomiyaha uga xog waramay sida ay wax u dhaceen isaga oo codsaday in sharciga la mariyo askartii dhibta u gaystay. Related posts:Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dalka DJabuuti Oo Sheegay In Al-Shabaab Ay Weerar Ku Tahay Dalkiisa, Bal... DAAWO; Maayirkii Cusbaa Ee Degmada Saylac Iyo Xildhibaano Tiro Badan Oo Xabsiga loo taxaabay Iyo X... Maxkamada Ciidamada Jsl Oo Xukuno Dil Ah Iyo Xadhiga 15sano ah Ku Kala Riday Askar, Iyo Danbiyada lo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|