WAJAALE NEWS

DAAWO;-Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale Oo Laga Fuliyay Olole Nadaafadeed.

TOG WAJAALE(W,N)-Maamulka degmada tog wajaale ee gobolka gabiley ayaa manta gudaha magaalada ka fuliyay olole lagu nadiifinayo qashinka magaalada.

Olole nadaafadeedkan magaalada wajaale ayaa waxaa fuliyay maamulka iyo shaqaalaha dawlada hoose

Sidoo kale badhasaabka gobolka gabiley ayaa goob joog ka ahaa ololaha lagu nadiifinayay gudaha magaalada iyo goobaha qashinka lagu daadiyo.

Waxaana muhiimada ololahan ka hadlay maamulka degmada iyo badhasaabka gobolka gabiley oo isagu mudo bil ah ku sugan magaalada si uu xogogaal ugu noqday xaalada dhabka ah ee degmada.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version