WAJAALE NEWS

Gudoomiyihii Xisbiga Wadani Ee Gobolka Salel Oo faah faahin Ka Bixiyay Sobobta Uu Isku Casilay.

SAYLAC (W,N) Gudoomiyihii Xisbiga Mucaaridka ah ee   Wadani Ee Gobolka salel ayaa ku Dhawaaqay in uu gabi ahaanba iska casilay xilkkii iyo xubinnimadii Xisbiga wadani

Ex Gudoomiye farxaan Maxamed Yuusuf  ayaa faah faahin ka Bixiyay sobobta uu isku casilay xiligan isagoo sheegay in Gobolka uu kasoo jeeda ee salal ay xiligan Ubahan Yihiin waxqabad Islamarkaana Taasi ay keentay in uu iscasilo.

“Anigaa ah farxaan ahna Gudoomiyihii xisbiga wadani ee gobola salal Waxaan halkan  Warbaahinta  uga Gudbinayan Gudoomiyaha Xisbiga Wadani in Aan Anigoo xuskayga qaban Aan iska casilay Xilkii Aan uhayay Xisbiga Golihisi Dhexe, Iyo xubinimadiiba, kadib markii aan  ka fiirsaday ,markaan latashaday Aqoonyahankii Gobolka, Reerkayga Markaan arkay In beeshaydu Aanay u baahnayn mucaaridnimo waxaan go,aansaday in aan xilkaa iska casilo,Ayuu yidhi.

Dhanka kale waxaa iscasilaada masuulkan ka dareen celiyay wasiirka wasaarada  Cadaalada Jamhuuriyada Somaliland Eng Cabdiqani Maxamuud Qaateeye.

Gobolka salal ayaa Noqday gobolada ay saamaynta Siyaasadeed ku yeelatay Xukuumadii u soo dhisay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo mudadii ay Somaliland jirtay Markii uhoraysay Umagacaabay Masuul Dhalinyaro ah isla Markaana saamany Balaadhan ku yeeshay Kasbashada  Quluubta Bulshada ku Dhaqan Guud ahaan Gobolka Salal oo Xiligan isku biyo Shubtay  Muxaafid.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version