|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyihii Xisbiga Wadani Ee Gobolka Salel Oo faah faahin Ka Bixiyay Sobobta Uu Isku Casilay.
May 6, 2018 - Written by Editor:SAYLAC (W,N) Gudoomiyihii Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Ee Gobolka salel ayaa ku Dhawaaqay in uu gabi ahaanba iska casilay xilkkii iyo xubinnimadii Xisbiga wadani Ex Gudoomiye farxaan Maxamed Yuusuf ayaa faah faahin ka Bixiyay sobobta uu isku casilay xiligan isagoo sheegay in Gobolka uu kasoo jeeda ee salal ay xiligan Ubahan Yihiin waxqabad Islamarkaana Taasi ay keentay in uu iscasilo. “Anigaa ah farxaan ahna Gudoomiyihii xisbiga wadani ee gobola salal Waxaan halkan Warbaahinta uga Gudbinayan Gudoomiyaha Xisbiga Wadani in Aan Anigoo xuskayga qaban Aan iska casilay Xilkii Aan uhayay Xisbiga Golihisi Dhexe, Iyo xubinimadiiba, kadib markii aan ka fiirsaday ,markaan latashaday Aqoonyahankii Gobolka, Reerkayga Markaan arkay In beeshaydu Aanay u baahnayn mucaaridnimo waxaan go,aansaday in aan xilkaa iska casilo,Ayuu yidhi. Dhanka kale waxaa iscasilaada masuulkan ka dareen celiyay wasiirka wasaarada Cadaalada Jamhuuriyada Somaliland Eng Cabdiqani Maxamuud Qaateeye. Gobolka salal ayaa Noqday gobolada ay saamaynta Siyaasadeed ku yeelatay Xukuumadii u soo dhisay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo mudadii ay Somaliland jirtay Markii uhoraysay Umagacaabay Masuul Dhalinyaro ah isla Markaana saamany Balaadhan ku yeeshay Kasbashada Quluubta Bulshada ku Dhaqan Guud ahaan Gobolka Salal oo Xiligan isku biyo Shubtay Muxaafid.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|