WAJAALE NEWS

Taliye-xigeenkii Waaxda Socdaalk Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Hargeys(Wajaalenews) – Taliye-xigeenka ciidanka waaxda socdaalka Maxamed Saleeban Xasan (Sablaale), ayaa shalay duhurnimadii xabsiga loo taxaabay.

Si rasmi ah looma garanayo sababta xadhiga sarkaalkan keentay, waxase ay wararka qaar sheegayaan inuu amarka xadhigiisa bixiyay wasiirka arrimaha gudaha Md. Cali Maxamed Warancade oo marka la xidhay sarkaalka ay shir ku wada lahaayeen xarunta wasaaradda arrimaha gudaha.

Wasaarada arrimaha gudaha oo aanu isku daynay inaanu xadhiga sarkaalkan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.

 

 

 

Exit mobile version