WAJAALE NEWS

Muj Siciid Indhool Oo Si Adag Uga Hadlay Dagaalo Laba Beelood Ku Dhexmaray Deegaanada Deefow Iyo Kabxanlay Ee Gobolka Hiiraan.

HARGAYSA(W,N)-Dagaalo Sababay Dhimasho, Dhaawac,Barakicinta Dad Rayid ah, Gubista Guryo Iyo Dhulbeereed ku Yaala Deegaanada Deefow Iyo kabxanlay ee gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya hadaba  Colaadan Foosha xun ee u dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee Fiqi Axmed, Fiqi walaal & Xawaadle.

Mujaahid Siciid Maxamed Xuseen oo ku magac-dheer (mujaahid Siciid Indhool) oo ka mid ahaa Halgamayaashii Ururkii SNM islamarkaana u dhashay Deegaanadaas ay colaadu ka Taagan tahay ayaa shir jaraa,id oo uu ku Qabtay Magaalada Hargeysa Wuxuu kaga hadlay dagaalada ka dhacay deegaanadaasi isagoo  baaq nabadeed u diray Beelahan walaalaha ah ee dirirtu ku dhex marayso kabxanlay Iyo Deefow oo ka Tirsan Golbolka Hiiraan ee Koonfurta Soomaaliya,

Dhanka kale muj siciid indhoole ayaa sheegay in ay dhawaan wafti nabadeed ugu bixi doonaan deegaanada ay dagaalo ka dhaceen.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version