WAJAALE NEWS

Dawlada Maraykanka Oo Xabsiga Utaxaabtay Col Tuke Oo kamid Ahaa Saraakiishii Somaliya Ee Xasuuqa Ka Gaystay Somaliland.

USA(W,N)-Ciidamada Amaanka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay Colonel Yuusuf Cabdi Cali ( Tuke) oo ah sarkaal ka tirsanaa ciidamadii milatariga Soomaaliya ee dawladdii kacaanka .

Tuke oo lagu xidhay magaalada Springfield oo ka tirsan gobolka Virginia, waxa lagu soo eedeeyay in uu dil , jidh-dil  iyo dambiyada kale oo ka dhan bini aadanimada gaystay  intii u dhaxaysay 1987 illaa 1988 sida ay sheegtay waaxda arrimaha gudaha Mareykanku .

Sarkaalkan, ayaa waxa hore dacwad ugu soo oogay ehelada dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay ciidamadii uu taliyaha u ahaa Colonel Tuke oo fadhigoodu ahaa Gabiley.

Exit mobile version