WAJAALE NEWS

Maayrka Kuxigeenka Caasimada Hargeysa Oo Dalka Britan Ugu Baxaya Martiqaad Uu Ka Helay Maayarka Pristol

Maayar Kuxigeenka Caasimada Hargeysa oo la Weydiiyay nuxurka muhiimada ujeedada Socdaalkan iyo martiqaadkan uu ku tagayo Pristol ayaa Sheegay, in ay Salka ku hayso Xidhiidhka ay Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa

 

Hargeysa(WJN)-Maayar Kuxigeenka Caasimada Somaliland ee Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi(Cabdicasiis-cagaweyne), ayaa martiqaad Rasmi ah ka helay Maayarka Pristol oo kamid ah Magaalooyinka Waaweyn ee dalka Ingiriiska.

 

Maayar Kuxigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi(Cabdicasiis-Cagaweyne), oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews uga waramey Socdaalkan uu ugu ambabxayo Dalka Ingiriiska ayaa, sheegay in socdaalkani qeyb ka yahey Xidhiidh dhex marey Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa iyo Maamulka D/hoose ee Caasimadaha dalka Ingiriiska gaar ahaana,Magaalada Pristol  Maayarkeeda oo Martiqaad Rasmi ah u fidiyay, waxaanu Xusey Maayar Kuxigeenku in uu Khamiista Barito u amababaxayo Dalka Itoobiya si uu uga Sii Socdaalo.

 

Maayar Kuxigeenka Caasimada Hargeysa oo la Weydiiyay nuxurka muhiimada ujeedada Socdaalkan iyo martiqaadkan uu ku tagayo Pristol ayaa Sheegay, in ay Salka ku hayso Xidhiidhka ay Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa la yeelanayaan Magaalooyinka Caasimadaha ah ee Dalalka Dunida ee Somaliland cilaaqaadku ka dhexeeyo Islamarkaana, uu Martiqaadkoodu ku xidhiidhsan yahey Hurumarinta Caasimada Hargeysa iyo sidii khibrad ay uga soo korodhsan lahaayeen Ka Gole Deegaan ahaan Magaalooyinka Waaweyn Aduunka.

Ma aha markii ugu Horeysay ee Golaha Deegaanka Cusub ee Caasimada Hargeysa ay socdaal martiqaad ah ugu amababaxaan Dalalka Dibada haseyeeshee, wuxu noqonayaa Socdaalkan Maayar Kuxigeenku kii lbaad ee noociisa ah tan iyo intii lasoo Doortey Golahan Deegaanka maadaama uu kii ka horeeyay daka Swden ku tagey Maayarka Caasimadu.

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

Exit mobile version