Taliye-xigeenkii Waaxda Socdaalk Oo Xabsiga Loo Taxaabay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliye-xigeenkii Waaxda Socdaalk Oo Xabsiga Loo Taxaabay
September 24, 2015 - Written by Editor:

Hargeys(Wajaalenews) – Taliye-xigeenka ciidanka waaxda socdaalka Maxamed Saleeban Xasan (Sablaale), ayaa shalay duhurnimadii xabsiga loo taxaabay.

sabalaale

Si rasmi ah looma garanayo sababta xadhiga sarkaalkan keentay, waxase ay wararka qaar sheegayaan inuu amarka xadhigiisa bixiyay wasiirka arrimaha gudaha Md. Cali Maxamed Warancade oo marka la xidhay sarkaalka ay shir ku wada lahaayeen xarunta wasaaradda arrimaha gudaha.

Wasaarada arrimaha gudaha oo aanu isku daynay inaanu xadhiga sarkaalkan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.

 

 

 

COMMENTS
LINKS