HORDHAC: Xanuunka loo yaqaano Ebola Virus disease (EVD) oo wakhtiyadii
hore loo yaqaanay Ebola haemorrhagic fever waa xanuun dilaa ah oo ku
dhaca dadka iyo xayawaanka qaar ka tirsan. Qofka uu ku dhacaa wuxuu
u badan yahay dhinaca geeridda (qiyaastii 60% dadka xanuunka qaadaa
way dhintaan).. Waxa dhaliya ama keena ili-ma qabatay (Virus) loo
yaqaano Ebolavirus. Markii ugu horaysay ee adduunka lagu arkaa waxay
ahayd 1976kii oo uu ka dilaacay wadanka koonfurta Sudan hasayeeshee
waxaa la ogaaday inuu xanuunkan yahay isla sanadkaa dhamaadkiisii oo
lagu arkay Congo/Zaire, gaar ahaan agagaarka wabiga Ebola (Ebola
river), waana halka loogu magac daray.Ili-maqabatayga keena xanuunka
waxaa loo qaybiyaa afar nooc oo la kala yidhaaBundibugyo virus (BDBV),
Sudan virus (SUDV), Taï Forest virus (TAFV) iyo Ebola virus (EBOV, oo
wakhtiyadii hore loo yaqaanay Zaire Ebola virus). Waxaa ugu halis
badan nooca loo yaqaan Ebolavirus/Zaire Ebola virus oo ah ka hadda ka
dilaacay wadamada galbeedka Africa. Xanuunkan hada dilaacay waxa uu ka
bilaabmay wadanka Gunea ee ku yaal galbeedka Africa horaantii bishii
March ee 2014,hadana wuxuu si dhibyar ugu fiday Sierra Leone, Liberia,
Nigeria, Senegal iyo daafaha dunida sida Maraykan iyo yurub (Spain).
Qaarada Australia wali lama xaqiijin qof xanuunka qaba hasayeeshee
waxaa jira dad looga shakisan yahay oo baadhitaan lagu wado. Galbeedka
Africa oo kaliya wuxuu xanuunku ku dhacay in ka badan sideed kun oo
qof (8000), kala badh in ka badan(60%) dadkaasi way geeriyoodeen.
Dalka Maraykanka laba qof oo la xaqiijiyey inuu xanuunku ku dhacay
bishan October midkood wuu dhintay, kii kalena wali waa la dawaynayaa.
Sidaas oo kale dalka Spain laba qof oo la xaqiijiyey inay xanuunka
qaadeen,mid wuu dhintay, kii kalena cusbitaal ayuu ku jiraa.
Xanuunkani wuxuu hore uga dilaacay wadamada Uganda, Congo, Sudan,
South Africa, Gabon, iyo Cote d’Ivoire.Wakhtiyadii hore xanuunka waxaa
lagu arki jiray meelaha miyiga ah laakiin hadda wuxuu ka dilaacay
magaalooyinka.
SIDEE LAGU QAADAA XANUUNKA?
Fiditaanka xanuunka Ebola uma khatarbadna sida xanuunada ku gudba
habka neefsiga. Xanuunkani waxa uu ugudbaa dadka marka dadku xidhiidh
(contact) la sameeyo ama jidhka dadku gaadho jidhka ama dareerayaasha
xayawaan qaba xanuunka sida daayeerka iyo cayayaanka duul duula ee
shimbirta u eeg ee loo yaqaan fruit bat.
Marka uu qofku xanuunka qaado ee uu calaamadaha yeesho dadka kale ayuu
u sii gudbin karaa. Hababka ugu badan ee la iskugu gudbiyo waxaa ka
mid ah qof xanuunka qaba oo aad gacanqaado (salaanto).
Dhiiga,dhunkashada, candhuufta, mataga, saxarada, ilmada(tears),
caanaha naaska, kaadida, manida iyo dhididkana waa lagu gudbiyaa
.Sidaas oo kale qofku xanuunka wuu qaadi karaa hadii qofku cuno
hilibka xayawaan qababa xanuunka. Xanuunku. Waxa kale oo uu ku gudbi
karaa isku taga jinsiga. Xanuun dhaliyaha Ebola wuxuu inta badan qofka
ka galaa sanka, afka, indhaha iyo nabaradda daloola ee jidhka ku
yaala. Dadka ugu badan ee xanuunka qaada waxaa ka mid ah dadka
hawlwadeenada caafimaadka iyo dadka xanaaneeya dadka uu xanuunku ku
dhacay. Waxa kale oo iyaguna xanuunka qaada dadka maydha maydka dadka
xanuunka u dhintay. Hababka kale ee aad xanuunka ku qaadi karto waxaa
ka mid ah taabashada qalab caafimaad oo sidda xanuun dhaliyaha sida
irbadaha iyo siriijyada.
Xanuunka Ebola kuma fido, lagumana kala qaado neefsashada , cuntada
iyo biyaha. Haddii qofku uu qabo xanuunka laakiin aanu lahayn
calaamado ma gudbin karo, lagamana qaadi karo xanuunka.
CALAAMADAHA LAGU GARTO XANUUNKA EBOLA
Qofku wuxuu yeelan karaa calamadaha hargabka ama durayga oo
kale.Calaamadaha ugu horeeya ee xanuunku waxay u eegyihiin kuwa
xanuunka kaneecada/duumadda Calaamaduhu waxay soo bixi karaan laba
maalmood gudahood marka uu qofku qaado xanuunka. Waxaa kale oo ay soo
bixitaanka calamaduhu qaadan kartaa saddex todobaad. Calaamadaha lagu
arko waxaa ka mid ah xumad aad u saraysa, madax xanuun, isgoysyada iyo
muruqyada oo xanuuna (joint and muscle aches),daal, calool xanuun,
shuban iyo cunto qaadashada qofka oo hoos u dhacda (lack of appetite).
Marka uu xanuunku sii xumaado/xoogaysto habdhiska xinjirawga ayaa
dhaawacma waxaana bilaabma dhiig bax jidhka gudihiisa ah (internal
bleeding). Waxaa kale oo bilaabma dhiig ka yimaada indhaha, sanka,
dhagaha, ciridka iyo xubinta taranka ee dumarka. Dadka qaar waxay
matagaan/xunqaacaan dhiig, qaar kalena waxay qufacaan dhiig, halka
qaar kalena saxaradooda ay ku arkaan dhiig.Dadka qaar kalena waxaa ka
soo baxa finan yar yar(maculopopular rash). Xanuunku meelaha ugu badan
ee uu saameeyo waxaa ka mid ah beerka iyo kalyaha. Sidaas darteed,
dadka xanuunku ku dhaco waxaa dhaawacma beerka iyo kalyaha oo shaqada
dhima ama fadhiista,todobaad ama laba todobaad gudahoodna waxaa suurto
gal ah inuu geeriyoodo.
BAADHITAANKIISA
Si loo hubiyo in bukuhu qabo xanuunka Ebola waxaa muhiim ah in laga
baadho inuu qabo xanuunada kale ee ay isku eeg yihiin sida
duumada/kaneecada,shubanka iyo viral hemorrhagic fevers . Waxaa haboon
in dhiig laga qaado si looga hubiyo viral antibodies, viral RNA or
virus-ka laftiisa. Shaybaadhka ugu fiicani waa ka loo yaqaanpolymerase
chain reaction (PCR) iyo enzyme-linked immunosorbent assay (ELISA).
DAWAYNTA
Ma jirto daawayn rasmi ah oo uu leeyahay xanuunka Ebola, inkasta oo
hadda loo dadaalayo. Qofka uu ku dhaco xanuunkani waa in laga ilaaliyo
inuu fuuq baxo, sidaas darteed waa in la siiyo biyaha loogu tala galay
(fluids and electrolytes). Qofka neefsiga ayaa ku adkaan kara, markaa
waa in la siiyo Oxygen. Dhiig baxa qofka ku dhacaa dhiiga qofka ayuu
hoos u dhigaa sidaas darteed waa in dhiig lagu shubo. Waxyaabaha kale
ee qofka la siin karo waxa ka mid ah xumad jabin iyo matag
joojin.Waxaa jira dawooyinka kale oo xanuun dhaliyaha lagula dagaalamo
waase tijaabo oo hadda ayaa gacanta lagu hayaa.
KA HORTAGA
Xanuunka Ebola ma laha talaal lagaga hor tagi karo, inkasta oo hada
gacanta lagu hayo qaar tijaabo ah. Ka hortaga ugu wanaagsani waa inaan
qofku u safrin/socdaalin goobaha xanuunku ka jiro. Waa in qofku ka
digtoonaado siyaabaha xanuunku ku gudbo ee aynu kor k soo sheegnay oo
dhan.Waxa wanaagsan in gacmaha lagu maydho/dhaqo saabuun markasta.
Hawl wadeenada caafimaadka ee gacanta ku haya bukaanka qaba Ebola waa
inay xidhaan qalabka loogu talo galay ee lagu qariyo jidhka, wajiga,
indhaha iyo gacmaha (gowns, masks,gloves and goggles) si ay uga
hortagaan inay nafdooda halis galiyaan. Bukaha qaba xanuunka Ebola waa
in meel gaar ah oo ka go,an bukaanada kale lagu daweeyo si loo yareeyo
in xanuunku fido (habkan waxaa loo yaqaan kaaraantimayn). Qofkasta oo
laga helo xanuunka Ebola waa in la raadiyo lana baadho dhamaan dadkii
uu macaamilka la lahaa.
GABO GABO IYO TALOOYIN:
Xanuunka Ebola cabsi wayn ayuu dunida ku hayaa. Waxaa la saadaalinayaa
in tirada dhimashada iyo tirada dadka xanuunka qabaaba ay kor u kacdo
bilaha soo socda. Waxaaa la isku raacsan yahay in wadamada nidaamkooda
caafimaad liitaa (poor health care system) ugu halis badan yihiin
fiditaanka xanuunka.Xanuunka Ebola wuxuu keeni karaa culays dhinac
walba leh oo aanay inta badan qaadi karin wadamada Africa ee maamul
xumada iyo dhaqaale la aantu iskugu biirtay.Sidaas darteed, waxaa
haboon in bulshada la baro xanuunka si ay u fududaato ka hortagiisu.
Sidoo kale waxa muhiim ah in tababar la siiyo hawlwadeenada
caafimaadka, lana sameeyo qorshe dhamaystiran oo lagula tacaalo
xanuunka hadii uu dilaaco.
DHAMAAD
Dr Mohamed-Culimo Yusuf Aw Cali