WAJAALE NEWS

Cudurka Dunida Aadka Uga Fejiciyay Ee Ebola Virus.

cudurka ebola fayras waxa uu kamid ka yahay cudurada ay kala qaadan dadka iyo xayawaanku ee loo yaqaano (zoonese)

Waxa dhamadkii bishii may ee 2014 wadamada galbeedka afrika ka dilaacay cudurka ebola fayras kasoo si aada ugu kala faafay muddo gaaban , hayada caafimadka aduunka ee ( WHO) ayaa 23/ july/2014 warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in la tirada kiis ee ebola ee laga helay wadamada (Guinea , Liberia , iyo sierra leone) ay kor u dhaafeen 1201 kiis , kuwaas oo 672 qof ay u dhinteen dadkii bukanka ahaa, labo cisho kadib 25 /july/2014 wasiirka caafimadka ee wadanka nayjeeriya ayaa shir saxafadeed uu qabtay ku sheegay in nin 40 jira oo la socday diyaarad kasoo dushay wadanka Liberia oo u socotay magalada lagos ee dalka nayjeeriya uu dhintay cudurka oo markii la baadhay

laga helay taaso kor u qaaday cabsidii laga qabay in cudurku ku faafo , waxana dalka nayjeeriya lagu soo rogay amar xayirada oo xaga xuduudaha ah , cudurka ebola oo ah mid aad u khatar badan , weli lagama hayo wax xoga oo cadaynaysa xiligii ugu horeysay ee uu ka dilaacay dunida iyo siduu u dilaacay , laakin waxa la aminsan yahay in markii ugu horeysay dunida ee uu qof ku dhaco uu uga soo gudbay xayawaan qaba cudurka oo uu daryeelay , hadaba akhristeyaal waxa beryahan danbe warbaahinta caalamku baahinaysay oo dhegahena ku badatay cudurka ebola ,taaso igu dhalisay in aan u qalin qaato si aynu uga helno macluumad , cudurka ebola virus waxa kale oo loo yaqaana ebola heamorrhgic fever waana xanuun dilaaya oo si aad u ba,an u gumaada dadka uu ku dhaco meela uu ka dilaaco cudurku waxa weeye kaymaha lama deeganka ee galbeedka iyo badhtamaha afrika, wadamada inta badan lagu arko ee cudurka ebola ka dilaaco waa wadamada

Guine , sieroleone , republic of congo , Liberia south sudan Uganda
Democrat republic of congo, ivory cost , gabon kuwaso ah kuwa uu xanuunku juquraafi ahaan u yahay degel jiif , waxa kale oo cudurka ebola mar lagu arkay wadanka south africa laakin waxa u uga soo gudbay dad rakaba oo ka yimid wadamada cudurku ka dilaacay

cudurka ebola fayras waxa uu kamid ka yahay cudurada ay kala qaadan dadka iyo xayawaanku ee loo yaqaano (zoonese) waxanu kasoo gudbaa xaywaanada duur joogta sida ( danyeerka chimpanzee, gorilla , fiidmerta ,biciidka ) ilaa hada lama ogaan in uu qaninyada ku gudbi karo , laakin waxa la sheegay inuu ugu soo gudbi karo dadka iyagoo ,daryeela ama taabta xayawan u xanuunsanayey cudurka ebola , qofka uu ku dhaco cudurkaa ebola waxa uu u sii gudbin karaa dadka kale , siyaabaha uu ugu kala gudbo dadka waxa kamida
• Xidhidhka tooska sida taabashada , dareeraha , sida dhiiga , iyo dareerayasha kale ee ka yimada jidhka qofka xanuusanaya
• Waxa kale oo uu si fudud ugu gudbi karaa qoyska iyo saxiibada, dheecamada iyo dhiiga ka imanaya marka ay daryeelayaan bukaanka
• Waxa kale oo uu gudbi karaa adeegayasha caafimadka marka ay daryeelayan bukaanka hadanay isticmaalin qalab ku haboon
bukaanka usoo dhaca cudurka ebola fayras ilaa hada looma hayo wax dawo ama talaal ah oo lagula tacaalo , laakin waxa kaliya ee la siiya bukaanka dawooyinka xanuun babinta iyo tageerida supportive drugs) cudurka ebola waxa markii ugu horeysay dunida lagu arkay sanadkii 1976 d labo dhacdo oo isku xigay ayaa ka dilaacay sudan magalada nazara iyo wadanka jamhuriyada dimuqraadiga ee koongo magalada yambuku meel u dhaw webiga ebola oo ah webiga loogu magac daray xanuunkan , cudurka ebola waxa soo gudbiya xanuun dhaliyaha fayraska genuska keena waxa loo qaybiya 1/ilaa 3 nooc oo kamida familyga filoviradea (fillo virus) iyadoo la raaciya genuska kale ee la yidhahdo cueva virus , fayraska dhaliya cudurka ebola waxa loo qaybiya shan nooc ( 5 speices)
Bandibugyo ebola virus (BDEV)
Zaire ebola virus (EBOV)
Reston ebola virus ( RESTV)
Sudan ebola virus (SUDV)
Tai forest ebola virus ( TAFV)
Sadexda nooc ee hore waxa laga helaa qarada afrika , labada nooc ee ebola eekala ah SUDV IYO TAFV ayaa waxa berri ayaa waxa lagu arkay philipine iyo china laakin inta la ogyahay lama hayo bukaanu dhintay , mudada uu kusoo if baxo cudurku ee qofka qaba cudurka ay kaga muuqdaan calamadihiisu waa 2 ilaa 21 cisho laakin inta badan waxa la arkaa 2 ilaa 8 malmood ,

cudurka ebola fayras astamaha lagu garto waxa kamida
xumad , madax xanuun , murqaha iyo kala goysyada oo xanuuna , shuban iyo qofka oo daciifa , matag ,cunaha oo xanuuna , hawada oo qofka cidhidhi ku noqota, marka uu qofku gaadho xalad halisa calamadaha waaweyn ee lagu arko inta badana laguna aqoonsado cudurka ebola waxa kamida dhiig ka yimaada meelaha uu jidhku ka daloolo, sida afka ,sanka, dhega , (orfices) cudurka ebola oo oo markii ugu horeysay ee la ogaaday 30 sanno laga joogo waxa ay haayada cafimaadka ee aduunka (who) warbixin ay soo saartay ku sheegtay in uu cudurka ebola uu heerka korodhka gaadhay 90% halka dhimashadu tahay 60% taaso ka dhigaysa inuu gaadhay heerkii ugu sareyay tan iyo 1976 kii , akhristeyaal ila hada lama hayo wax talaal ama dawooyin ah oo lagula tacaalo xanuunka ebola fayras , sidaas darteed waxa la sameeya uun ka hortag lagula tacalo in uu cudurku qof u gudbo , waxana kamida
In warbixn socdaal laga qaado qofka ka soo gala dalalka uu ka dilaacay cudurka ebola lana baadho hadii ay suuro gal tahay ,
In dadka ka shaqaynaya goobaha caafimadku ay isticmalaan qalab ku habon oo ka ilaaliya waxyabaha uga soo gudbaya bukanka (personal protect equipment)
Dadka ka shaqeya shaybadhada caafimadka waxa ay kala kulman khatar marka ay qaadayaan dhiiga, sidaas darteed waa inay yeeshan aqoonteeda
Ugu danbayntii cudurka ebola oo dhawaan wadamada Africa ku dhawaaqeen in xaruun lagula tacaalo ay samayn doonan , dalkeena jamhuuriyada somalilanda maadama uu ku yahay wadamada soo koraya waxan soo jeedin lahaa in ilaahay ha inaga ilaaliyee ay dawladeenu inta taagteeda ay isu xil qaamto in ay qofka maadarada iyo meelaha kale ee dalka laga soo galo kasoo galaya ay warbixinta safar ka qaado (transportation ducoemont) dadkana la weydiyo in ay safar hore ku tageen wadamada galbeedka iyo badhtamaha Africa , kolkaas haday suura gal tahay laga qaado dhiig ,
Qalinkii :barkhad mohameod ali sulub
email:  drmaxbuub143@hotmail.com
phone :063-4035520

senior student in universaty of hargeisa fuculty of veternary medicine

Exit mobile version