Laakin se uu dalka ku reebay aafo qabyaleed uu ku kala furfuray ummada min bari ilaa galbeed taasina maanta ay keentay
Markii is bedal doonkii Siilanyo dalka Madaxwayne ka noqday 26 june 2010 waa la soo dhaweeyay iyada oo loo arkayay waji cusub oo rajo u ah siyasada somaliland in uu ku soo kordhay .
Halkan waxaa tagnaa Madaxwayne aqoon yahan ah, lagu tuhmayay in ay u dheer tahay rug cadaanimo iyo waayo aragnimo siyaasadeed oo uu xilal kala duwan ku soo qabatay ,hormar u horseedi kara xisbigiisa iyo dalkan qarnigan 21aad.
Laakin maanta waxaan ognahay oo laga
dhergsan yahay waxa ku dhacay rajadaa fiicnayd iyo filashadaa.
Afartan meeyo sanadood oo xidigta Siilanyo la yaqanay ama la arkayay waxaad u mooda inay maanta u liiqday halkeedii ugu hoseeyay soona kacayn Xusuus reebna u noqday wax la odhan karo uun afka qalaad ( THE ULTIMATE political morality tale ) iska daaye aan lagu xasuusan doonin in khibradisii iyo aqoontisii in wax lagaga dhaxlay ama umadan wax uun uga reebay .
Laakin se uu dalka ku reebay aafo qabyaleed uu ku kala furfuray ummada min bari ilaa galbeed taasina maanta ay keentay in dadkii ay u muuqan la haday wax wada la hanshahii ood arkayso in waxii ugu dhibta yara ee dad u arki kari lahayeen in ay ka dhaxayso ama wada leeyihiin ee wado ahayd iyo iwm in maanta ay socoto in laysku eryo . Oo mid kale oon laga fiirsan qorshe waqtiyan iyo dhaqan dhaqaale la dhinac eryayo tii hore ee la dhagax dhigay. Inoo dheer tahay musuqmaasuq iyo boob eexaysi ah iyada oo maanta la ogyahay dalka in marxaldasii dhaqandhaqaale halka uu marayo.
Mudananteeda runtii aan odhan karo waxaa leh Wasiirkii hore ee maaliyada Maxamed Xaashi oo markuu ugu yaraa dhagaha shacabka gaadhsiiyay in miisaniyadii kordhay oo intaasna ku koradhay oo maanta hooyada iyo muwaadinka canshuur bixiyha ahi ogyihiin taasina macne wayn ugu fadhido oo u saamixi kara maalin in ay kula xisaabtami karaan inta u suxul xaadatay boobka hantida umada.
Iyna indhaheena waxaan ku aragnaa maanta kaalintii international communitygii iyo duwalkii aan deriska la ahayn oo walaac badan ka muujinya geedi socodkeena kalsoonidii wada shaqayntiina dhimay ama meesha ka saaray weligeeda Ina Warancade hasii socdo oo soo socdo.
Taas oo ah mid siyaasadeed ahaan gudo iyo dibadba dhawac inagu ah wax badna inagaga lumayaan iyada oo laga wada dhereg sanyahay danaha dhaqan dhaqaale ama siyaasad ee isakaga keen xidhan deriska iyo rayal caalamka kale .
Dabcan rixlada ah rajo filashada hogaankaga madaxwaynanimo in bulshadu kaa filaysay rajo iyo hiigsi in uu isku badalo ama ku dhamaado hal bacaad lagu lisay waaba waxa la odhan karo waa mid macruuf ku ah sunnaha siyaasada sideedba oo kumaba koobna Siilanyo gaarna loogu nisbay karo .
Se isaga maxaa u dheer oo tani ugu tahay Siilanyo mid u gaar ah ama extraordinary oo uu kaga duwan yahay kuwii ka horeeyay.
Waa halkaa uu ka qabtay ama ka qaaday oo ah in uu ka nasiib badanaa sadexdii Madaxwayne ee hore dalka u soo maray oo isagu dheeryahay inuu mulkiyay hanaan iyo dawladnimo wada socoda oo hirgashay awood ahaan, fiday maamul ahaan , dadka iyo dalkna xanjadii isku haysay adagtay oo wax wada lahaanshahii iyo ilaashigeediiba loo soo wada dan jeeday .
Tan oo ahayd qodabkii ugu muhimsanaa ee Madaxwayne Riyaale ugu soo hal qabsaday Siilanyo maalintii xilka ku wareejinay waayo wuu ogaa xajimiga waxa uu wareejinayay waxa uu yahay iyo macniyan waxa uu asaas ahaan yahay .
Taas oo macnaheeduna ahaa sidaa uu u dhigay ee dal iyo dad is haysta se la ogaa dhaqaale ahaan sida uu yahay oo xaalado badan lagu soo kala dhaxlay .
Waxaa uun iyna xusid mudan in la xasuusto sidan oo kale 1984 inuu Siilanyo markii hogaanka SNM lagu wareejinay ka nasiib badnaa maalintaana labdii gudoomiye marxuun ee ka horeeyay, maalintaana loo dhiibay ciidan iyo hogaan dhan oo ilaa min galbeed ilaa min bari ka dagalama, iskugu filan dhaqaale abaabul, xeryo fidsana leh oo ilaa cidhif yaal Somalilandta maanta ilaa koonaha Ethopia ah.
Iyana waa la ogaa hogaanimtisii waxay ku soo ururtay iyada oo ay igu mudan tahay in lagu xasuusto in ay ahayd bilaawgii lunsigii ugu badnaa ee hantidii umadeed iyo ku takrifalkeedii taas oo keentay isamin laan iyo kala shaki gudo iyo dibadba leh saamayn wayn ku yeelatay gudahii iyo sidii wax loo waday khilaafkii ka soo abuurmayna noqday mid gudha lala soo galay markii danbena noqday kii ragaadiyay geedisocdkii iyo hirgelintii maamul .
Maahmaah Somaliyeed Baa Tidhaah Dadku Wuu Dhintaa Taariikhduna Way Hadhaa !
Intaas oo dhan Waxay Siilanyo taarikh u hadhay ka dhigtay in uu noqdo Somalilandta cusub hogaankii gud ahaan min bari ilaa galbeed kala fujiyay xanjadii umadda ilaa la odhan karoba soo dhaaf oo intii ugu dhawaan jirtay beri maanta yihiin kuwa ugu fog waxuu yidhaahdana aan eray ka aaminin.
Sida uu ku socdna ilaa inta doorasho kale laga gaadhayo sanadka danbe la arki doonoba iyada oo aan saaxib iyo qof u dhowba ku soo hadhin xiiso iyo waayo waayo uun yihiin jawigii 26 jun 2010 iyo dhararahii ka horeyay.
Kaalinta International Communityga
Waxaa cad in maanta jawi cusub Somaliland gashay loona baahan yahay in dadka shacabka ah si wacan loogu wacyi geliyo xaaldan sideeda lagana ilaasho waxii khalkhal ku keeni kara taas oo ah mid ay u jilicsan yihiin iyaga oo ay ku yaalan nabaro caabuq ah oo aan afartii sano ee Siilanyo la dhayin iyada oo dawlada Siilanyana fursad kale oo dheerad ah u aragto oo ay ku sii kala fogayso lala kaashanayo international communityga in ay kaalin ku yeeshaan sidii loo heli lahaa in dalkan doorasho cadli ah uga dhacdo.
Xataa weli daruuri tahay ama lagu dhiirado in la helo cid sadeexad oo dhexdhexaad ka ah oo qabta doorasho hadii ay meesha kabaxdo kalsoondii dawldanimo lagu qabi karay iyo commission. Waayo siday tahay laguma aamini karo masiir intaa leeg oo kala guur keeni kara dawlad maanta dadku is waydiinayaan cida taladeedu iyo goaankeedu gacanta ugu jiro ama ka shakisan yihiin.
Waxaa mudan in lays xasuusho kaalintii waafiga ahayd ee international communitygu ku lahayd in Daahir Riyaale doorasho qabto xilkna wareejiyo si toos ah. Maanta waa lugta lugteedii se waxaa looga fadhiya Axsaabta qaranka, ururada bulshada iyo inta jecel Somalilandba in ay maanta cod dheer ku yidhadaan haa doorasho aan kordhis lahayn, la bisleeyo daneeyasha caalamka taasna looga fadhiyo axsaabta iyo intay qusayso
Hadii kale haa Taladii in Geedkii laguu cesho halkudhigeenuna yahay SAVING SOMALILAND HAA DAWLAD LOO DHAN YAHAY….
Farax Colow Maxamed
Academia
Norway
abosheekh@yahoo.com