Kishore Mahbubani waa nin ka soo jeeda qoomiyada Hindida ee ku nool Singapora, waana qora wayn oo mudo sodan (30) sano dadka hogaaminayay siyaasada dalkiisa. Waxuu noqday Wasiirka arimaha dibada, iyo safiirka qaramada midoonay ee Singapori. Saddex iyo toban (13) sano waxuu ahaa hormoodka qaybta siyaasada ee Jamacada ugu wayn Singapore University ee Lee Kuan Yew school of public policy.
Mr. Kishore oo waraysi siiyay warbaahinta calamka, ayaa waxa uu kaga hadlay mucjisada Singapore (ama secrets of Singapore).
Waraysiga wuxuu ku bilaabay, mudo ku dhaw 70 sano ayaan ku noolahay Singapore, waxaanan ka soo jeeda qoys faqiira.
Wakhtigii Singapore xornimada qaadatay, waxay ahayd dal faqiira oo dakhli sanadeedkeedu ahaa (ama per capital income) $500. Taasi oo la mid ahayd dalka Gana ee Afrika. Wuxuu yidhi markii isguulka la qorayay waxuu ka mid ahaa caruurta macluul awadeed uu Iskuulku siin jiray koob cano maalintii, si uu iskuulkiisa u sii wadan karo.
Wuxuu yidhi guriga aan ku koray ma lahayn musqulaha casriga ee biyaha lagu furo (flash toilet). Xafada aan ku soo koray waxaa ka buuxay ciyaalo suuq, tuug iyo budhcad, marka xaqiiqdii waxay la mida ahayd dunida saddexaad. Haddaba waxaa cajiib ah intan nolashayda jiray in aan arko Singapore oo isbadashay. Singapor oo ka baxday dalalka foqorka ah ee dunida saddexda (third world) noqotan dunida kowad (first world). Haddaba, waxaan nasiib u helay in aan u soo joogay isbadalka.
Mudadii aan hormoodka siyaasada ka ahaa Jamada Singapore University, arday I soo boqata waxaa siin jiray cashar (lecture) joogta ah. Waxaan ku odhan jiray waxaan doonaya cashar bilaa lacag oo ku sabsan MUCJISADA SINGAPORE (ama Secrets of Singapore) in aan idinla wadago. Waxaanan u sheegi jiray haddii aydun dalalkiina ka hirgalisana, in ay idiin shaqayn doonto.
Mucjisada Singapore wuxuu Mr. Kishore ku soo koobay saddex tiir, uu u soo gabiyay MPH.
Tiirka ugu horaya ‘M’, oo u tagan kalmada Ingiriisida meritocracy, oo afka Somaliga ku noqonaya in dadka dalka maamulaya lagu xusho, aqoontoda iyo kartidooda. Wuxuu yidhi dunida saddexda waxaa inta badan dib u rida waxay wasaarada muhiimka ah sida wasaarada maaliyda iyo dhaqaalaha u doortan qarabadooda, saxiibadooda yihiin iyo dad aan xul ahayn. Halka ay Singapore u samayso cakiskeeda. Singapore waxay wasaaradaha u doortan wasiiro aqoon, wayo aragnimo iyo karti leh.
Haddaba, Somaliland si uu madaxwaynuhu kursiga u xejisto, ayuu soo xusha qofka cod u keenaya. Lakiin aqoonta, wayo-aragnimo iyo kartida kuma xusho. Teeda kale, waxa Somaliland qeerkeed ka reebay in ay soo urursadan “Yes man” ama ‘NACAM LIYEYAAL’, aan u sheegi karin waxay danta qaranka ku jirto, xataa waxa isaga dantiisa ah. Haddii madaxwaynuhu qalad sameeyan, ma ah dad odhan kara ka joog. Lakiin khaladkiisa ayay ku tageerayaan. Taasina waa ta halkaa ina dhigtay, ee 30 sano isku daba maraysanayno.
Tiirka labada casharka Mr. Kishore wuxuu u soo gabiyay ‘P’, oo u tagan kalmada Ingiriisida pragmatism, oo afka Somaliga ku noqonaysa wixii kuu dana qaado. Wuxuu yidhi waxaa kalmadani si fiican u qeexay madaxwaynihii hore ee Shiinaha Mr. Deng Xiaping, oo yidhi “Waxba igama galin in ay bisada madaw tahay iyo inay cadahay, lakiin bisada jiirka qabata ayaa ah mida fiican.” Taasi oo uu uga jeeday waxba igama galin Shuuciyad, Hanti wadaag iyo Hanti goosi. Waxii shaqaynaya isticmaal. Sida daraadeed, Singapore waxay halka ku gadhay, waa dal ka qaata fikrad kasta waxii fa’iida u arkan ee u shaqaynaya.
Tiirka saddexaad waa “H” oo u tagan kalmada Ingiriisida honesty, oo afka Somaliga ku noqonaya daacadnimo. Wuxuu yidhi tani waa mida dalalka dunida saddexaad badankooda ku adag, waana mida ugu wacan in ay dawladahoodu saaqidan. Musuq masaqana uu noqdo wax la caadaysto. Taasina waa mida ay horumar u samayn wayan. Haddaba, dawladii raysal wasaraha Singapore ee Lee Kuan Yew waxuu ku guulaystay dabar goynta musuq masaqa. Sababta uu ugu guulaystana waxaa ugu wacnaa inuu la dagalamka musuq masaq ka bilaabay xaga sare ee dawladiisa, sida Agaasima yaasha, iyo maamulayaasha. Marka Agaasime iyo maamule loo xidho musuq masaq, shaqaalaha kalana waxay ka cabsoonaya in iyaguna la xidhi karo. Mr. Kishore waxuu tusaale u soo qatay oo uu yidhi haddii uu agaasime uu fasax la qatan maalqabeen ay saxiib yihiin. Xukuumada Lee Kuan Yew, marka uu Airportka ka soo dago ayay xidh jirtay. Marka uu yidhaa maxaa la igu xidhayan? Waxaa loo sheega in uu kharashka diyaarada, hudheelka iyo rashinka uu ninka maalqabeenku ka bixiyay, uu yahay laaluush, sida daradeedna uu dalka danbi ka galay oo la xidhayo.
Haddaba, dalalka Afrikanka iyo dunida sadexaad waxay xidhaan shaqaalaha masaakiinta ah een guno ku filan ayna siin. Halka agaasimayaasha iyo maamulayaashuna ay khasnada dawladuna si toosa u dhacaan. Somalilandna laaluushka, musuq masaqa iyo hantida ummada ee la boobo waa la iskugu faano, walina cid looma xidhin.
Haddaba, dalka kaliya ee qarada Afrika ee casharka Mr. Kishore soo bandhigay ka faa’iidaystay waa dalka Ruwanda. Taasina waa mida ka dhigtay Ruwanda oon wax khayrada oo dabiiciya lahayn, aan badna-lahayn (ama Land-lock ah), isla markana 1994 kii uu ka dhacay xasuuqa ugu xuma calamku, inuu noqdo dalka kaliya ee dhinac kasta kaga horumarsan dalalka badan oo qarada Afrika, oo Illahay wax kasta siiyay.
Haddaba, laba mid ayaa ku suuro gali karta in ay fikirada iyo kuwa la midi dal ka hirgi karan. Midi waa in dalkaasi helo hogaamiye sida Lee Kuan Yew, oo ahaa raysal wasaarihii ugu horeeyay ee Singapore, kaasi oo noqdayna aabaha Singapore iyo Paul Kigali ee Ruwanda. Mida labaadna, waa iyada oo dadka dalka ku nooli qaraar ku gadhan “ENOUGH IS ENOUGH”, isla markana dalbadan in ay ISBADAL DHABA OO DANTA QARANKA dalkooda ka hirgalo. Diidan hogaamiye ku-sheeg danbe oo dantiisa ka horu mariya danta guud ama danta qaranka.
Haddaba, inta shacabkeenu u kala qayb qaybsan yihiin Beelo, ha ka filan in ay isku racan waxa ummada u dan ah. Marka, musharaxa aan lagu dooranynin DACADNIMO, AQOON, WADANIYAD, WAYO ARAGNIMO IYO KARTI, ee lagu dooranayo Beeshiisa. Ha ka filan in hogaamiye fiican ee sida Lee Kuan Yew iyo Paul Kigali la doorto.
Teeda kale, haddii dadka dalka lahi ayna danaynin dalkooda, cidkalena danay mayso. Marka fursada kaliya ee dhalin yarada u banaani waxay noqonaysa inay dalkooda ka qaxaan, oo dalalkale raadsadan. Sida daradeed, ayaa dhalin yarada qaarkood isku midaminayaan badaha, iyo lama dagaanada saxaraha. Haddii lacagta magafayaashii iska bixin wayana, kalyaha iyo xubnaha jidhkooda lagala baxaa. Kuwa ka badbaada safaradaasi, waxay la kulmi cunsiriyad iyo dalal shaqo la’aan bani ka jirto. Nasiibdaradu waxay tahay, hogaamiyasha dantooda ka door biday danta dadkooda cisbitalo fiican oo marka xanuunsada lagu daweeyo kama dhisantan dalalkooda. Marka xanuunsadan dhakhtarada dalalka ay dadkooda u qaxiyeen ayaa loola cararaa.
Gaba gabadii, xalka iyo danta qaranka lama garan wayen, lakiin dadka dalka hogaaminaya ayaan dantooda ka dhex arkaynin. Haddaba, dadka Somaliland waxaan kula talin lahaa in DANTA QARANKA u-istagan, si dhabada loogu xadho wadada horumarka Somaliland (ama Development Road-Map). Haddaba, horumarka dalka waxaa bal bilaw u ah Qodabada DANTA QARANKA een ku soo bandhignay websitka (WWW.DANQARAN.COM). Siyaasiyiinta ka soo horjeedsada Danta Qaranka waa in meel uga soo wada jeedsano, oo aynaan U-Codayn.
QALINKII; OMAR YOUSUF
IS-BAHAYSIGA DAN-QARAN
DA’NAY NA-YAASHA DANTA-QARANKA, WAXAY NAGALA SOO XIDHIIDH KARAN:
E-MAIL: uhilimagaladada@gmail.com Facebook: U hili magaladada
WWW.DANQARAN.COM or WWW.SOMALILANDFIRST.COM