DHADHAAB(Wajaalenews);Waxaa Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab gobolka Woqooyi bari Kenya booqashao ku yimid wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Ban Kin-moon, Waxaana Socdaalka uu Ban Ki-moon ku yimi Xeryaha Dhadhaab ku wehelinayay Madaxweynaha Baanka aduunka, Madaxweynaha Baanka Islaamka iyo horumarinta, Wasiirka arimaha debedda Kenya, Wasiirka arimaha gudaha Kenya, Madaxweyaha County-ga Gaarisa, Madaxa hay’adda UNHCR ee Kenya iyo Xubno kale.
Wefiga oo Wakhti kooban ku sugnaa gudaha Xeryaha Dhadhaab ayaa kulan kula qaatay dadka qaxootiga ah Xerada IF2 oo ka mid ah Xeryihii ugu dambeeyay ee laga asaaso gudaha dalka Kenya, waxaana ay halkaa xog kaga dhegaysteen dadka qaxootiga ku ah Xeryaha dhadhaab.
Gudoomiyaha Xerada qaxootiga ee Dhadaxley Xabiibo Cabdiraxmaan Mursal oo ku hadashay af-ka dadka qaxootiga ku ah Xeryaha Dhadhaab ayaa ugu horayn ka mahad celisay Marti gelinta dalka Kenya oo qaxootiga magan-gelyo siiyay mudo 24-sano ah, Waxaana ay intaa ku dartay in aanay ilaa hadda muuqan meel lagu noqdo dalka Soomaaliya, iyada oo tusaale usoo qaadatay Khilaafka xiligan ka dhex aloosan Madaxda ugu saraysa dalka iyo dagaalada aan dhamaad-ka lahayn ee ka soconaya gudaha dalka Soomaaliya, waxaana ay Xabiibo intaa ku dartay in aan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xeryaha Dhadhaab aanaay Xilagan ku dhiiran karin in ay dib ugu laab taan gudaha dalka Soomaaliya, iyada sheegay in hadii Kenya aanay sii hayn karin qaxootiga loo sameeyo dib u dejin wadamo kale.
Wasiirada Arimaha debedda iyo gudaha Kenya oo hadalka isaga dambeeyay ayaa dhankooda Sheegay in dalka Kenya uu soo dhoweeyay walaalohooda Soomaaliyeed taasina ay Waajib tahay maadaama ay Soomaaliya iyo Kenya yihiin labo wadan oo deris ah oo walaalo ah, laakiin ay daba dheeraatay joogitaan-ka qaxootiga Soomaaliyeed ee gudaha dalka Kenya, loona baahan yahay in Xal waara loo helo qaxootiga tirada badan ee mudada dheeraa ku noolaa dalka Kenya.
Madaxweyaha Count-ga Gaarisa Nadiif Jaamac oo dhan-liisa goobta ka hadlay ayaa sheegay in arinata qaxootiga Soomliyeed ee ku nool kenya ay tahay mid waayadanba ba ka wada hadlayeen dowaldaha Soomaaliya iyo Kenya lana doonayo in loo maareeyo sida ugu mac quulsan ee xalka loogu helo karo dadka qaxootiga ku ah gudaha dalka Kenya.
Xoghaya guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhexaysa Ban Ki-Moon oo hadal Kooban jeediyay ayaa sheegay in dhibaatada uu qaxootigu ku hayo Caalam-ka ay tahay mid taagan, waxaana uu tusaale usoo qaatay wadanka Suuriya oo ay ku barakeceen malaayiin qof iyo weliba wadamo kale sida Ciraaq, waxaana uu sheegay in la doonayao in la maareeyo guud ahaan qaxootuga Caalam-ka.
Weftiga uu hogaaminayay Ban Ki-Moon ayaa noqonaya kii ugu balaadh naa ee inta la xasuusto soo gaadha Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab,
W/Q:CABDISAMAD CALI XASAN (xaliye)
XAFIISKA NAIROBI:
SHABAKADDA WAJAALE NEWS