WAJAALE NEWS

“Cawaaqib Xumo Kasta oo Ka Dhalan Karta Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashooyinka, Waxaa Masuliyadeeda Qaadaya Madaxweyne Muuse Biixi”.Gudoomiye Cirro

Hargeysa (WJN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa waxa uu walaac xoogan ka muujiyay dib u dhac ku yimaada Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani ayaa waxa uu sheegay in cawaaqib xumo kasta oo ka dhalan karta inay wakhtigooda dib uga dhacaan doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka uu qaadayo masuuliyadeeda Madaxweyne Muuse Biixi, Isagoona tilmaamay in hadii doorashooyinkaasi wakhtigoodii ku qabsoomi waayaan ay qaban doonaan shirkii uu hore ugu dhawaaqay guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” oo khudbad ka jeediyay munaasibad soo dhawayn ah oo ay u qabteen taageerayaasha xisbigaasi ee ku dhaqan dalka Ingriiska ayaa waxaa uu sheegay in xisbiga Waddani uu ka dhamaaday in ay markale tanaasulaan isagoo sheegay in xisbiga Waddani uu hore uga tanaasulay doorashooyinkii Madaxtooyada iyo tii gudoomiyaha golaha Wakiilada.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxa kale oo uu sheegay in cadaalad daro balaadhani ka jirto dalka islamarkaana ay taasi tusaale wayn u tahay ayuu yidhi deeqdii waxbarasho ee dowlada Itoobiya ay Somaliland siisay islamarkaana ay cabasho xoogan ka muujiyeen habkii loo qaybiyay qaar ka mid ah gobolada dalka.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version