Wasiirku waxa sheegay in xeryaha ay ku jiraan qaxootiga Soomaaliddu ee Dhadhaab ay gabbaad iyo xeryo tababaro lagu bixiyo ay u noqdeen waa sida uu hadalka u yidhiye kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah oo , waxaanu ku
dooday waa sida uu hadalka u dhiigaye in qaxootiga Soomalida ah ay xaqireen soo dhaweyntii uu dalka Kenya u sameeyay.
Dad Soomaali ah oo qaxoonti ah oo tiradoodu ay kor u dhaaftay Lix Boqol Oo Kun oo qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku nool yihiin xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari, kuwaasoo ka soo qaxay dagaalladii ka dhacay Soomaaliya.
Xukuumadda Kenya ayaa walaac ka muujisay dadka Soomaalidda ah ee dalkaa ku nool, kaddib weerarakii ay dadka badani ku dhinteen ee lagu qaaday xaruntii ganacsiga ee Westgate Mall, ee ku taalay badhtamaha magaaladda Nairobi.
Dhinaca kale, xukuumadda wadanka Kenya ayaa shaqadda ka joojisay Shan iyo Toban sarkaal oo ka tirsan laanta socdaal-ka kuwaas oo lagu eedeeyay musuq-maasaq u sahalay in ay waraaqaha aqoonsiga ee Kenya ay u fududeeyaan kooxaha xagjirka ah.