WAJAALE NEWS

Shaqaale katirsanaa Qaramada Midoobay oo saaka laga afduubtay Xeryaha Qaxootiga ee Dalka Kenya

Dadhaab(WJN)Wararka Aan Saakay Oo Arbaco Ah Aan Ka Heleyno Xerada Qaxootiga Dhadhaab Ee Waqooyi Bari Dalka Kenya, Ayaa Sheegaya In Halkaasi Laga Afduubtay Gaariay Saarnaayeen Shaqaalo Katirsanaa Hay’ada Qaramada Midoobay.

Kooxo Aan Wali Heebtooda La Garan Ayaa Afduubtay Gaari Ay Saarnaayeen Shaqaalo Katirsanaa Hay’adda Qaxootiga Caalamka Ee UNHCR Ee Hoos Tagta Qaramada Midoobay , Waxaana Wali Si Rasmi Ah Loo Ogeyn Tirada Shaqaalaha La Afduubtay.

Gaariga Ay Lasocdeen Shaqaalaha Qaramada Midoobay Kahor Inta Aan La Afduuban Ayaa La Sheegay In Iska Hor Imaad Uu Dhax Maray Ciidamo Ilaalo U Ahaa Shaqaalaha Qaramada Midoobay Ee La Afduubtay Iyo Kooxaha Hubeesan Ee Afduubtay Shaqaalahaasi.

Afduubka Ayaa Dhacay Saakay Subaxnimadii , Waxaana Goob Joogayaal Ku Warameen In Uu Dhaawac Kasoo Gaaray Rasaastii La Is Dhaafsaday Darawalkii Waday Gaariga Ay Saarnaayeen Shaqaalaha Hay’adda Qaxootiga Caalamka Ee UNHCR .

 

Wajalnews.Net

/Hargeisa/Ofice

Exit mobile version