ARABSIYO(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Mudane Raabi Cabdi Maxamed, Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Somaliland Eng Mawliid Nuux Ibraahim iyo Guddoomiyaha Guddida Mashruuca Bebera Corridor (PIU) Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise Xamari) ayaa maanta Kormeer kusoo maray Biriijyada Magaalada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley.
Wasiirka, Maareeyaha iyo Guddoomiyaha PIU ayaa u kuur galay xaaladda Biriijyada Waaweyn ee Dooxyada Deegaanka Arabsiyood iyada oo maalmihii ugu dambeeyey roobab waaweyni dalka ka da’ayeen, kuwaasi oo soo rogay daadad laxaad leh.Khasaarana soo gaadhsiiyay biriijyada cusub ee laga dhisay arabsiyo
Wasiirka iyo Maareeyuhu waxa ay kormeerkooda iyo u kuur galka xaaladda Biriijyada iska waraysteen Maamulka heer Degmo iyo Heer Gobol ee Gobolka Gabilay.