WAJAALE NEWS

Ciidanka Booliska Jsl Oo Gacanta Kusoo Dhigay Haweenay Ku Kacday Fal Noociisu Ku Cusub Yahay Somaliland

Warbixin:-Ciidamada Booliska JSL ee Saldhiga Sheekh Nuur ayaa gacanta ku soo dhigay  Eedaysanta Hoodo Cabdi Cali Ina Raaxo Xuseen 28jir  oo ku eedaysan inay 26-1-2024 kii xilli Habeenimo ah waxyeello u gaystay Dhibane Caydaruus  Cali , waxaanna falkaasi ku wehelinaayay Saddex dumar oo kale oo  Ciidanku ku raad-joogo.  Kuwaasi intay Dhibanaha Guri ku balamiyeen nabaro u gaystay ,  muuqaalna ka duubay iyagoo baraha bulshada ku faafiyay .

Hawlgallo iyo baadhid dheeriya oo Ciidanka Saldhigaasi sameeyay waxa uu   kusoo qabtay Hal eedaysane , halka Saddexda kale Ciidanku  ku raad-joogo. waxaanu dhammaantood degdeg u horgeyn doonaa sharciga.

Taliska Ciidanka Boolisku, wax uu bulshada uga digayaa falalka noocaasa ah ee diinta , dhaqanka iyo anshaxa suubban baal-marsan  .

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.

 

Exit mobile version