|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidanka Booliska Jsl Oo Gacanta Kusoo Dhigay Haweenay Ku Kacday Fal Noociisu Ku Cusub Yahay Somaliland
January 30, 2024 - Written by Editor:Warbixin:-Ciidamada Booliska JSL ee Saldhiga Sheekh Nuur ayaa gacanta ku soo dhigay Eedaysanta Hoodo Cabdi Cali Ina Raaxo Xuseen 28jir oo ku eedaysan inay 26-1-2024 kii xilli Habeenimo ah waxyeello u gaystay Dhibane Caydaruus Cali , waxaanna falkaasi ku wehelinaayay Saddex dumar oo kale oo Ciidanku ku raad-joogo. Kuwaasi intay Dhibanaha Guri ku balamiyeen nabaro u gaystay , muuqaalna ka duubay iyagoo baraha bulshada ku faafiyay . Hawlgallo iyo baadhid dheeriya oo Ciidanka Saldhigaasi sameeyay waxa uu kusoo qabtay Hal eedaysane , halka Saddexda kale Ciidanku ku raad-joogo. waxaanu dhammaantood degdeg u horgeyn doonaa sharciga. Taliska Ciidanka Boolisku, wax uu bulshada uga digayaa falalka noocaasa ah ee diinta , dhaqanka iyo anshaxa suubban baal-marsan . Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.
Related posts:DAAWO;-Xildhibaan Siciid Cilmi Oo Jabhada G, Awdal Lagaga Dhawaaqay Ku Eedeeyay Murashaxa Madaxwayne... Kooxda La Dagaalanka Budhcad Badeeda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Maxaabiistii Ay Somaliland Cafisay Maareeye Maxamuud Raage Oo Faah faahin Ka Bixiyey Xeerkii Madbacada Qaranka Ee Uu Dhawaan Soo Saaray... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|