London(W,N)-Dowladda Britain ayaa badashay safiirkeedii Soomaaliya Amb, Ben Fender iyadoo soo magacaawday safiir cusub oo noqoneysa haweeney lagu magacaabo Kate Foster.
Safiirkan cusub Kate Foster ayaa lagu waddaa inay si rasmi ah xafiiska ula wareegto bisha February ee sannadkan.
Amb, Ben Fender waxaa ay Soomaaliya u soo magacaawday 30-kii Bishii January ee sannadkii 2019-kii, waxaana Soomaaliya uu ka Shaqeeynayay ku dhawaad laba sannadood.
Dowladda Britain ayaa safiirkeedan cusub waxaa ay noqoneysaa haweeneydii labaad oo safiir uga noqonta Soomaaliya laga soo bilaabo tan iyo 2012.
Baritan waxaa ay ka mid tahay dowladda taageerra Soomaaliya saameynta weynna ku leh siyaasadda dalka.