WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha Guurtida Iyo Saddexda Xisbi-Qaran Oo Isla Qaatay In Sanad Iyo Afar Bilood Loo Kordhiyo Madaxwayne Siilaanyo

Hargeysa,  (Wajaalenews) Madaxda saddexda xisbi-qaran ee Somaliland UCID, Waddani Iyo Kulmiye ayaa Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Gaal ka ogolaaday in mudo-xileedka Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Saylici oo ku eeg 26-ka June 2015 loo kordhiyo sanad iyo afar bilood.

Go’aankan ay guddoomiyaha guurtida iyo saddexda xisbi isla gaadheen maanta galinkii hore ayaa waxa la filayaa in Golaha Guurtidu ansixiyo marka la horkeeno fadhigoodaa barri Sabtida.

Exit mobile version