HARGAYSA(W,N)-Kulan ay soo qaban qaabisay haayada qaxoonitiga iyo barakacayaasha Somaliland kaasi oo ujeedadiisu ahayd sidii gurmad deg deg ah loo gaadhsiin lahaa dadkii ka barakacay dagaalada magaalada laascanood ayaa maanta ka qabsoomay xarunta haayada qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka.
Kulan ayaa waxaa kazoo qaybgalay wasiirada wasaaradaha maaliyada, ganacsiga qorshaynta Agaasimaha Guud ee wasaarada arimaha gudaha gudoomoyaha haayada ka hortaga masiibooyinka
Sidoo kale waxaa kulan kasooq qaybgalay haayadaha Unta, kuwa caalamiga ahiyo kuwa maxaliga ee ka hawlgala dalka iyadoo lagaga wada hadlay sidii gurmad deg deg ah loo gaadhsiin lahaa inka badan 25000kun oo qoys oo ka barakcaya magaalada laascanood.
Waxaana ujeedada kulankan iyo arimaha layska qaatay ka warbixiyay gudoomiyaha haayada qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka.
HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;