HARGAYSA(W,N)-Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa maanta kulan ku saabsan arimaha Barakacayaasha Gobolka Sool gaar ahaana Magaaladda Laas-caanood u qabatay qaar ka mida Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin.
Kulankan oo uu furay Gudoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Md C/kariin Axmed Maxmed (Xinnif) ayaa intii uu socday waxaa lagu lafo guray sida ugu haboon uguna dhakhsaha badan ee bulshadaasi loo gaadhsiin lahaa waxyaabaha daruuriyaadka ah.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;