HARGAYSA(W,N)-Musharraxa madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali X Xasan iyo wefti ay hoggaaminayaan oo isugu jira xoghayeyaal, xildhibaano iyo saraakiil sarsare ayaa maanta kormeeray goobaha diwaangelinta magaalooyinka Sayla-bari, Ballicabane, Faraweyne iyo degmada Dacarta.
Madaxda Xisbiga ayaa bulshada deegaannadaasi ku baraarujisay muhiimada ay leedahay fursadda diwaangelineed ee muddada kooban ka hadhsan tahay, islamarkaana bulshada ku boorriyay in si buuxda looga faa’iidaysto diwaangelinta kaadhka codbixinta oo ahmiyad u leh muwaadiniinta.