WAJAALE NEWS

Ma Laga Yaabaa In Hadda Sida Ay Wax Noqdeen Uu Muuse Yidhaa!!

Ma Laga Yaabaa In Hadda Sida Ay Wax Noqdeen Uu Muuse Yidhaa “الرحوع الي الحق فضيله”

Mawqifka ugu saxsan doorashada ururada/xisbiyada waa ka Gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe waana in loo noqdo Xeer Lam. 14 2002 oo ahaa shantii sanadoodba in doorashada dawladaha hoos ku tartamaan xisbiyo/ururo, sadexda xisbi ee ku soo baxaana ay noqdaan Xisbiyo Qaran muddo shan sanadood ah. Waana aragtida urur siyaasadeedka HALGAN ilaa hadda uu qabo. Urur ahaan waxanu aaminsan nahay in labada doorasho loo kala horqabto sida ay u kala horeeyaan . Xukuumadda dambe ee madaxwaynaha ku soo baxa doorashuna (hadii aanu noqon Kulmiye oo keenay Shirqool Lam-14 2011)ay sixi karto qaladkii Kulmiye. Ilaa haddana rejadaasi way nagu jirtaa oo may dhimanin. Madaxwaynaha xilka ugu dambeeya Muuse Biixi dhibaatada ugu wayn  ee sugaysa ayaa waxay tahay toosinta  wixii uu qaoociyay Kulmiye muddo ka badan 12 sanadood.

Halgan wuxu dib uga fadhiistay  tartanka markii uu arkay in Muuse Biixi qaaday wado qaldan oo ah doorasho jujuub ah oo aan la isla ogolayn laga soo mariyo Doorashadii ka horaysay ee Madaxtooyada, isaga oo wakhtigaa u arkayay in dan gaar ahi ay isaga ugu jirtay. Balse marka aynu eegno 10ka urur ee ku soo baxay waxay hadda ku niqotay ‘umaba daban”k waayo halkii uu Gaboose la doonayay wuxu arkay in Maxamuud Xaashi ku soo baxayo.

Hadaba Muuse ma laga yaabaa in uu yidhaa “الرحوع الي الخق فضيله” oo go’aanka Komishanka Doorashooyinka ee labada xisbi iyo daneeyasha caalamkuba ay waafaqeen uu isaguna u soo noqdo? Ama ha ogolaado ama ha diido eh walee talo u dhaanta ayaanu helin. Waayo wax fan ahi uguma jirto in dooeashada madaxtooyada laga soo hormariyo doorasho kale oo aan la isla ogolayn khasaare badanina ka dhalan karo.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)-

Exit mobile version