WAJAALE NEWS

Itoobiya iyo Eritrea oo Heshiis Nabadeed Ku Kala Saxeexday Magaalada Jeddah

Jeddah (WJN) – Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed iyo madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa magaalada Jeddah ee xarunta dalka Sacuudi Carabiya ku kala saxeexday heshiis nabadeed,kaas oo ka dhigan  heshiiskii labaad ee nabadda.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa door weyn ku laheyd heshiiska Itoobiya iyo Eritrea oo lagu soo afjaray colaaddii labada dal u dhaxeysay muddo labaatan sanno ah, isla markaana uu caadi ku soo laabtay xidhiidhkii labada dal.

Heshiisku “wuxuu gacan ka geysan doonaa xoojinta amniga iyo xasiloonida gobolka,” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya,Adel al-Jubeir.

Abiy iyo Afwerki waxay saxeexeen heshiiska iyadoo ay goobjoog u ahaayeen  Boqor Salman, Dhaxalsugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres iyo mas’uuliyiin kale.

Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska nabadda ee lagu saxeexay Jeddah si dhakhso ah looma helin, heshiiskan-se wuxuu soo gabagabeynayaa dagaalkii labada dal u dhexeeyay muddada labaatanka sanno ah,sida ay baahisay warbaahinta gudaha Sacuudiga.

Boqorka Sucuudi Carabiya Salman Bin Cabdulcasiis oo biladdii ugu sareysay ee Boqortooyada guddoonsiiyay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed  iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabadda ee ay saxeexeen, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo warisay in sidoo kale dowladda Imaaraadka Carabta ay si gaar ah u tixgelisay heshiiska.

Hogaamiyaasha Itoobiya iyo Eriteriya ayaa u safray dalka Imaaraadka Carabta toddobaad un kaddib markii ay bishii July gaadheen heshiiskii nabadda ee dib usoo celiyay xidhiidhka labada dal, mase cadda inta uu la’egyahay doorka Imaaraadka Carabta ee heshiisyada nabadda iyo dadaallada lugu xoojinnayo xidhiidhka Itoobiya iyo Eriteriya.

Exit mobile version