Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Xuseen Axmed Caydiid, Ayaa maanta shir-gudoomiyey shirkii Guddida Khilaafaadka Maamulka Dhulka oo maanta kulankoodii 1-aad ku yeshay Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
Shirkan waxa kasoo qeybgalay Wasiirka Horumarinta Beeraha Mudane Maxamuud Xige Yuusuf, Wasiirka Dawladaha Hoose Mudane Xasan Macalin, Wasiirka Diinta Iyo Aw-qaafta Sh.
Cabdilaahi Daahir Jaamac, Wasiir Ku Xigeenka Xanaanadda Xoolaha Mudane Cali Axmed Cabdi, Maayirka Caasimadda Hargeisa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, Iyo Xubno ka socday Wasaaradda Hawlaha Guud.
Kulankan ayaa lagu falanqeeyey khilaafaadka Dhulka iyo Sidii Wasaaradda waliba doorkeeda sharcigu siiyey ay uga qaadan lahayd, iyadoo ugu danbeyn la iskula qaatay in la dardargaliyo sidii xal loogu heli lahaa Khaliifyadda kasoo noqda Dhulka ee dhibaatadda weyn ku yahay guud ahaan Dalka Somaliland.