WAJAALE NEWS

Dawlada Maraykanka oo Somaliland ku dhaleeceeyay tacdiyada Saxaafadda.

Hargeisa(Wajaalenews)-Wasaaradda Khaarajiga ee Maraykanka ayaa Xukuumadda Somaliland uga digtay beegsiga Suxufiyiinta iyo Ashkhaasta gaarka ah ee dhibaatooyinka loo geysanayo, waxaanay u soo jeedisay in la ixtiraamo Dastuurka iyo balanqaadyada kale ee ay samaysay.

Qoraalka Xukuumadda Maraykanku soo saartay oo uu ku saxeexnaa u qaybsanaha arrinaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha dibada Brian Phipps, ayaa lagu yidhi “Sida ka soo noqotay xuska maalinta saxaafadda Soamliland, Nov 9, waxaan dareensiin lahaa korodhka xadhiga wariyayaasha ee soo baxaya. Sidaad ogtihiin 30-kii October Xukuumadda Somaliland waxa ay xidhay Mukhtar Nuux Ibraahim oo ka shaqeeya HCTV, Maxamed Xasan Sheekh Somsat iyo Ifraah xaaji Maxamed oo iyana ah HCTV. Warbixinahan waxa lala xidhiidhinayaa talaabadii xukuumaddu gurigiisa kaga saartay Mulkiilaha HCTV Farxaan X Cali, kaasoo ah muwaadin Maraykan ah, waa arrimo gaar gaarkooda walaac u miijinaya inay xukuumaddu ku beegsanayso.”

Warka ka soo baxay dawladda Maraykanka ayaa intaasi ku daray “Waxaan jeclaan lahaa inay Somaliland xasuusino inay qaado talaabo ay ku meel mariso fursadaha ay balanqaaday oo xorriyadda saxaafadda, oo ku qeexan Dastuurka, waxaanan kula talinaynaa inay dib uga noqoto cabsi galinta ka dhanka ah suxufiyiinta.”.

Xukuumadda Somaliland ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dib u bilowday beegsiga wariyeyaasha iyo Mulkilaha Telefishanka Horn Cable Farxaan Xaaji Cali oo ciidan u dirtay inay xoog kaga saaraan Guriga uu degenaa oo hore dawladdu uga iibisay, balse ay hadana kaga noqotay.

Arrintan ayaa kor u qaaday walaaca sii socda ee ay saxaafaddu ka qabto xad-gudubyada Xukuumaddu ku hayso warfidiyeenada, taasoo sanadkan gudihiisa la xidhay laba wargeys oo waaweyn, tiro wariyeyaal ah dhibaatooyin xadhig iyo handidaad kale ah loo geystay.

WAJAALENEWS DESK

Exit mobile version