WAJAALE NEWS

Maamulka Degmada Ibraahim Koodbuur Oo Olole Wado Banayn Ah Ka Fuliyay Xaafada Sheedaha Ee Magaalada Hargaysa.

HARGAYSA(W,N)-Maamulka Degmada Ibraahim koodbuur ee Caasimada Hargaysa ayaa olole ay kubanaynayaan wadooyinka Ka fuliyay xaafadaha sheedaha oo iyadu ahayd xaafad aan Lahayn meel ay maydka ka qaadaan,

Masuuliyiinta dawlada hoose ee degmada ibraahim koodbuur iyo waxgarada xaafada sheedaha  oo ka hadlay ololaha wado banayntan ayaa sheegay in uu socon doono ololaha ay ku banaynayaan wadooyinka xidha ee xaafadaha degamada.

Sidoo kale dadwaynaha xaafada sheedaha ayaa soo dhaweeyay ololaha lagu banaynayo wadooyinka xidhan ee xaafada oo qaarkood uu xidhay geedka garan waaga ah taasi oo bulshadu xaafadu baahi wayn uqabeen wadooyinkan ay furtay dawlada hoose oo ay gadhwadeen ka yihiin maamulka degmada ibraahim koodbuur ee magaalada hargaysa.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version