WAJAALE NEWS

DAAWO;-Maamulka Degmada Ibraahim Koodbuur Oo Olole Wado Banayn Ah Ka Fuliyay Xaafada Bada Cas!

HARGAYSA(W,N)-Maamulka Degmada Ibraahim koodbuur Ee Magaalada Hargaysa oo uu horkacayo Gudoomiyaha degmada Ayaa maanta olole Ay ku baneeyeen  5shan wado ah ka fuliyay Xaafada bada cas ee degmada ibraahim koodbuur oo ay xidheen geedka garanwaagu iyo waxyaabo kale.

Gudida horumarinta ee degmada ibraahim koodbuur iyo dadwaynaha degan xaafada bada cas ayaa soo dhaweeyay ololaha ay maamulka degmada ibraarim koodbuur ku baneeyeen wadooyinka xidhnaa ee xaafadan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Ibaahim koodbuur iyo xubnaha kale ee maamulka Degmada oo uu weheliyo xildhibaan siikaawi oo katirsan mudanayaasha golaha deegaanka caasimada hargaysa ayaa ka warbixiyay ololaha wado banaynta ee ay ka wadaan xaafada bada cas.

Dhanka kale maamulka Degmada Ibraahim Koodbuur oo uu horkacayo gudoomiyaha degmadu ayaa Haajin iyo Isku simid ku sameeyay garoonka kubada cagta ee xaafada jig jiga yare ee dhalinta kacaanka halkaasi oo dhalinyrada ku ciyaarta garoonku ay maamulka degmada uga mahad celiyeen haajinta ay u sameeyeen garoonka oo roobabku ku sameeyay jeex jeexyo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version