WAJAALE NEWS

Munaasibad Lagu Sagootinayay Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland oo Lagu Qatey Galbeedka London.

London(Wajaale News)-Xaflad Casho sharaf ah oo lagu Sagootinayay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo mudooyinkan dambe booqasho ku joogay dalka ingiriiska ayaa, xaley lagu qabtey Galbeedka Magaalada London ee Cariga Ingiriiska.

Munaasibadan oo ay soo qabanqaabiyeen Xubnaha Jaaliyada Somaliland ee Ku Sugan Ingiriiska, gaar ahaana Haweenka Galbeedka London , ayaa waxa kala soo qeyb galey Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgsahiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka ingiriiska Mr Cali Aadan Cawaale iyo marti sharaf kale oo kamid ah Xubnaha jaaliyada Ingiriiska ee Somaliland u dhalatey.


Munaasibadan lagu Sagootinayay Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland oo kusoo beegantey Habeenkii xaley ahaa ee isbadelka kala Wareega Sanadkii hore ee 2013ka iyo Sanadkan cusub ee 2014ka , waxa kasoo qeyb galyaasha halkaa hadal uga jeediyay Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland oo kawaramey maraaxilka ay wakhtigan mareyso Siyaasada Somaliland iyo doorka Xidhiidhka Ganacsiga ee dalalka Dunida iyo waliba Maalagshiyada Caalamiga ah ee la filayo in ay Somaliland la galaan  Shirkado Caalami ah iyo wadanada Dhaqaalaha fiican leh ee Aduunku.


Gabagabadiina waxa uu uga mahad celiyay Xubnaha haweenka Galbeedka London eek amid ah Jaaliyada Somaliland ee Kunool Wadanka Ingiriiska ee Munaasibadan soo agaasimay.
Waxa kale oo isaguna munaasibadan hadal kooban ka jeediyay Safiirka Somaliland ee Cariga ingiriiska Cali Aadan Cawaale iyo Xubno kale oo kamid ah Haweenka Galbeedka London ee Munaasibadan soo qabanqaabiyay.


Dhinaca kale intii Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashigfa Somaliland ku Sugnaa London waxa uu kulamo la yeeshay Xubnaha Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee dalka ingiriiska iyo London.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version