WAJAALE NEWS

Madaxtooyada Oo U Tafo xaydatay fasaxaada Dekadda Berbera Iyo Dhaqdhaqaaqyada Telefishanka Star Tv Oo Arimo Badan Fashiliyay!!!

Ma Dhabaa In Mulkiilaha Talafishanka Star Tv  Xukuumadu Ka Iibsaneyso Wakhti xaadirkan Qeyb Kamid Ah Lahaanshaha Talafishanka Star iyo Xubnihii U Horeeyay Oo Iska Casilay.

Hargeysa(Wajaalenews )-Madaxtooyada Somaliland ayaa, maalimhii u dambeeyay bilowdey dhaqdhaqaaqyo ay kaga hawlgaleyso sidii xakameyn loo saari lahaa qaar kamid ah Warbaahinta maxaliga ah ee saameynta ku yeeshay tabinta Cabashada iyo dareenka Dadweynaha islamarkaana, sida aadka ah loogaga hadley Wareejintii Haamaha Shidaalka Keydka Berbera oo shacbiga Reer Saaxil iyo Dadweynaha Reer Berbera dareen adag ka qaateen.

Sida ay  xaqiijiyeen Warar xogogaal ah oo ka ag dhaw Madaxtooyada Somaliland iyo hawgaladeeda Xiligan ee ku aadan Dekedda Weyn ee Berbera oo ay damacsan tahey in lagu wareejiyo Shirkado ajaanib ah,arintan  ayaa dibada usoo baxdey kadib markii dhawaan dalka ingiriiska looga yeedhay, Mulkiilaha Talafishanka Star Tv Maxamed Aadan Koodhaadhi oo ay qasriga u sameeyeen Wasiirka Cadaalada Axmed Cadare iyo Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed(Cali-mareexaan),islamarkaana mulkiilahaasi laga codsadey in Xukuumadu ka iibsaneyso wakhti xaadirkan qeyb kamid ah lahaanshaha Talafishanka Star si uu u xadido sii deynta Wararka lidka ku ah Xukuumada oo ay qeyb ka yihiin Haamaha Shidaalka iyo Dekedda Marsada weyn ee Berbera,waxaana la taqabalsiiyay Mulkiilaha Star Tv sida ay wararkan xogogaalka ahi daaha ka feydeen qadar lacag ah oo lagu sheegay Hurumarin arintan, oo uu shaqadii Talafishanka iskaga cassiley Agaasimhii Tvga Star Xamse Cali Bulbul iyo madaxii Wararka Xasan Maal Dhidar,inkastoo ay jiraan shaqaale kale oo iyaguna maamulkooda la aragti noqdey, waxaanay wararku intaa ku dareen in arintan uu kasoo shaqeeyay Wasiirka Hawlaha Guud Cali-Mareexaan oo awal hore Madaxtooyada u qaabilsanaa arimaha dilaalista iyo qaar kamid ah Warbaahinta maxaliga ah oo la kaashadey Wasiirka dhawaan loo magacaabay Wasaarada Cadaalada Axmed Cadare.

Sikastaba ha ahaatee, inkastoo ay Xukuumadu ku guuldareysatey in ay xaqiiqda iyo dhacdooyinka jira Warbaahin fara badan oo ay kamid ah warbaahinta bulshada u adeegta , islamarkaana mudadii ay jirtey ay sameysatey Warbaahino dabadhilif u ah oo ay masuul uga yihiin dad aan u bisleyn khibrada aqooneed ee Saxaada iyo Warbaahinta oo nidaam qabiil lagu hawlgaliyay, hadana waxa taa barbar socda in dhalinyaro aan Dugsiyada dalka aqoontooda dhameysan oo lagu khasbo in ay hawlgaliyaan Mulkiilayaasha iyo Maamulka talafishanada dalka talaabadan oo Wasiir Cali-Mareexaan iyo rag kale ku caan baxeen waxa isa soo taraya in mudada kooban ee ka hadhey Mudo xileedka Xukuumada ay Madaxtooyada iyo Wasiiradan dilaaliinta u ahi ku dedaalayaan in laga sii mustafeeyo qeybo warbaahinta Madaxa banaan ah si aaney u tabinin Wararka Musuqmaasuqa iyo kasii laacista Hay,adaha Dawliga ah iyo Waliba ilaha dhaqaale ee Muhiimka iyo lafdhabarta u ah dakhliga Somaliland oo ay kamid tahey Dekedda Berbera oo Shirkado ajaanib ah lagu wareejiyo sidii Ganacsatada loogu Wareejiyay Haamaha Shidaalka Berbera.

Exit mobile version