WAJAALE NEWS

Maamulka Magaalada Wajaale Ee Dhinaca DDS Oo Daahfuray Mashruuc Ay Dad Tiro Badan Shaqo Abuur Ka Heli Doonaan.

TOG WAJAALE(W,N)-Maamulka magaalada wajaale ee dhinaca ismaamulka somalida itoobiya ayaa daahfuray mashuuraca Damaanad qaadka Cuntooyina magaalada wajigiisii 1aad kaasi oo shaqo abuur usamaynaya 1833 qof.

Maayarka magaalada wajaale eng mukhtaar ayaa ka hadlay muhiimada uu bulshada  uleeyahay mshruucani oo ah mashruuca damaanad qaadka cuntooyinka magaalada  kaasi oo ay ka shaqayn doonaan dadka danyarta oo iyagu nadiifin doona magaalada.

Mashruucan oo ah mashruucii uhoreeyay ee bulshada reer wajaale looga faa,iidaynayo ayaa waxaa maalgalinaya midowga yurub.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

Exit mobile version