WAJAALE NEWS

Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Kormeeray Mashaariicda Ay Dawlada Hoose Ka Hirgalisay Gobolka .

GABILEY(W,N)-Badhasaabka goboka gabiley oo ay weheliyaan maayarka magaalada gabiley,maayar kuxigeenka xildhibaano iyo xoghayaha dawlada hoose ayaa kormeer kusoo maray mashariicda ay dawlada hoose hirgalisay oo qaarkood socdaan kuwana dhamaadeen.

Mashariicda uu badhasaabku soo kormeeray ayaa gaadhay ilaa 7mashruuc oo ku kala yaala gabiley iyo arabsiyo kuwa jiray miisaaniyada 2021.

Maayarka magaalada gabiley iyo xubno golaha katirsan ayaa ugu horay ka warbixiyay mashariicdan ay dawlada hoose hirgalisay.

Dhanka badhasaabka gobolka gabiley ayaa ka hadlay kormeerkan iyo mashariicda ay soo mareen .

 

Exit mobile version