WAJAALE NEWS

War Deg Deg ah: Dablaydii Lagu Eedaynayay In ay Dishay Taliyihii Qaybta Booliska Berbera oo Qaarkamida lasoo Qab Qabtay

Berbera(W,N)Ciidamada Qaran ka Somaliland ayaa Gacanta ku soo dhigay 8 ka mid ah Dablaydii Weerarka ku dishay Taliyihii qaybta Booliska Berbera, dablaydan ayaa galabnimadii maanta oo khamiis ah lasoo qabtay iyagoo uu mid ka mid ahi dhaawac yahay, sidaasi waxa warbaahinta u xaqiijiyey wasiirka wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo goor dhawayn Berber shir jaraa’id ku qabtay.

kooxdan dablayda ah ee la soo qab qabtay ayaa la filayaa in loo soo dhaadhiciyo magaalada Hargeysa si loogu maxkamadeeyo, dhinaca kale waxay ciidamada ku daba jiraan qayb ka mid ahayd kooxdan lasoo qabtay oo iyagu baxsad ku jiraan

 

wixii warar dambe ka soo kordha kala soco Wajaalenews

Exit mobile version