WAJAALE NEWS

Madaxwaynahe Kuxigeenka Jsl Oo Xadhig Kajar Iyo Kormeer Kusoo Maray Mashariic Tiro Badan Oo Dawlada Hoose Ee Gabiley Hirgalisay.

GABILYEY(W,N)-Madaxwaynaha kuxigeenka Somaliland cabidraxmaan saylici iyo wafti uu hogaaminayo oo maalmihii udanbeeyay kormeer ku maraya gobolada dalka iyo mashaariicda laga maalgaliya JPLGga ee maamul daadajinta ayaa soo gaadhay gobolka gabiley isagoo kormeer kusoo maray mashariicda maamul daadajinta mashruucan oo hirgalisay dawlada hoose ee degmada gabiley.

Waftiga madaxwayne kuxigeenka oo ay weheliyaan badhasaabka gobolka gabiley ,maayarka magaalada gabiley iyo xildhibaano katirsan golaha deegaanka ayaa kormeerkoodan ka bilaabay mashariicda laga hirgaliyay magaalada arabsiyo iyadoo ay uga sii gudbeen kuwo laga hirgaliyay magaalada gabiley oo ay dhamaan kormeer kusoo mareen.

Dhanka kale madaxwayne kuxigeenka jsl ayaa dhagax dhigay wadooyin laga hirgalinayo gudaha magaalada gabiley

Maayarka magaalada gabiley ayaa ka warbixiyay mashariicda ay hirgaliyeen kuwo hada ay gacanta ku hayaan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

Exit mobile version