WAJAALE NEWS

Qarax ka dhacay xarun warshado oo ku taal Shiinaha

shiinahaHargaysa(WJN):-Qarax ka dhacay xarun warshado oo ku taalla gobolka Sichuan ee dalka Shiinaha ayaa sababay in ay dhintaan 19 ruux ayna ku dhaawacmaan 12 kale, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda ee Xinhua.

Masuuliyiinta deegaanka Jiang’an ee uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay warshad kiimiko oo ay gacanta ku hayso Yibin Hengda Technology, sida ay tabisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sawirro la soo dhigay baraha ay bulshadu ku xiriirto ee dalka Shiinaha ayaa muujiyay dab wayn iyo uuro cirka isku shareertay oo ka kacay dhismaha warshada.

Ma cadda waxa sababay qaraxa.

Arrintan ayaase timid iyadoo ay dalka Shiinaha horay uga dhaceen masiibooyin ka dhashay shirkado kiimikooyinka sameeya.

 

Sannadkii 2015kii, 173 ruux ayaa ku dhintay qarax ka dhacay xarun warshadeed oo ku taalla magaalo xeebeedka Tianjin ee dhacda waqooyiga bari ee Shiinaha.

 

Hargaysa Office

Wajaalenews.net

Wariye Abdiqadir Habbane

Exit mobile version